DIGNIIN IYO DARDAARAN

DIGNIIN IYO DARDAARAN
Soomali isu daranay  dabka tii sku shiddaay
Darxumo isu doorataay dunida kama daadagin
Waxaad isku disheen dalkiinna u kharibteene
Dawlad iyo kala dambayn fowdo kaga doorateen
Dadkuna ma wada ahoo dimbiile iyo qaran dumise
Qaar baasee kala daadsanaantiyo daaimto duliga
Afweerki iyo daalibaan dabarku ugu xiranyahoo
Dantoodu tahay Soomaali weligeed daginoe
Dabku ka shidnaadoo deriskana lagu duulae
Doodi ay ka dhaxeeyso barer na uma doonte
Wxu rabaa si dadban Soomaali u dagaal geliyae
Dabadeedna isagu daawado masraxa dagaaleede
Dalibaan kuma daryeele isagubaa is dilaaye
Daroogadu beeraa miinada duugaaye
Suu u gubay dalkiisi kuugu filan dareene
Intuu derbi kaala daadegin dad iyo duunyaba kaa marin
Dad  an waxba dareen  qabin dab qabadsiiyahe
Ismiidaamin la doontaaye dhiigooda daadiyaahe
Qabiilkan idin kala dilay Intaad doc iska dhigtaan
Cadawgan ka dhigtay diintiba rasaas la isku dilo
Daaf intaad ka martaan Maad ka saartaan dalkabae
Nin dalkiisi soo gubay iyo midka uu duufsadayba
Duulkan wejiga duubtay si an daliil loo helin
Ama lagu dabaalin dimbiga falkoodae
Hadana wax dagayoo masjidka ku dilay culimada
Kuna dooday anaa ka talin dalka Soomaaliyeede
Lugaha iyo gacmaha dadka ka jaray dirbigana suraye
Ama dhagax ku dilay saqiirkuu isagu duurka ku kufsadaye
Ha dibaaxan dibnahana ha kala furin
Cabsi dareen good waa dantooda guracane
Dugsi ma dhigan iyo cilmi dawladeedba
Duubka Soomaaliyeed ninki dagaal ku badiya
Ayaa u dambayn waa doodooda goode
Ila daawada diin la tartamay duurjoogta xoolaha
ama dugaaga wax dilo Doodani soow maha
duni caloosha ka raran ama aur dhegaha laga dabrayee
Dadkan  dalkoodi soo kharibay Kuwan ay duufsadeenba
dugaagana la hurdoo  danabkii dhacaba
Umalaayn dayuuradii dili lahayd ama gantaal loo soo diray
Diinna ma ay daalacane diiwaankana u gashaye
dimbiile dagaale intuu maatiyo caruur dilay
Caamirnaa diiwaan ku qor  sawir gacmeedna ku daliiliyee
Guryaha dumay qaxa is dabayaal
Bamka la duugay ee dirbiga la kacay
Dadka ladilay meeydkana dariiqa lagu jiidayee
Dimbigaa muslimka laga galay iyo dabinka laqoolaye
Waxaa dusha u ridan duulkan afka duubane
Diiday  kala dambayn dulmigana isku  garabsadaye
Qabqable diineed iyo dagaal oge
kuwan daganaashada u  diidaye
Madfac na ku duqayay shacabkii Xamar degenae
Af duubka ka soo cararay duqeeynti  NAATO
Doolaaladana ku yimid dalka Soomaaliyeed
Dantiisa guracan ma dareemin adiguye
Darassadka ismiidaamin iyo bam meel durugsan laga hago
Dugsiyuu ka furay degmooyin badane
D’ayarta ka qalin jibisay ka badan duurka
Dunida ayay kugu rogayaan daman an dheereyne
Danab sidiisay dusha kaaga soo degine
Hadeydan gelin diyaargaroow adag difaac gobanimoe
Inay ku dilahayaan cidi daah kama saarnae
Daandaasiga deriska iyo durbaanka colaadeed
Diifta hordhaceedi idinna daalacateene
Daliil cad waa dimbigay ka faleen dalalka reer galbeedkiyo
Dahariihii New York waa kuwii ku duqaayay
Dayuuradihii rakaabka iyo dad wixi dul saarnaabae
Duhur cad baa olalka dabka iyo boorka
Laga daawaday qaaradaha dunida dacalkastabae
Waana kuwii is dul dhigay meeydkiyo daqaro dhaawace
Dirbigii shubka ahaa iyo dadka lafahiisi
Daman baa la kala gurayo meeydkiyo daqaro dhaawace
Dabkuna ololyay markii uu soo dumaye
Dawladaha  Ingriiska iyo Spain waxba  kama dambeeyno
Sabweeygii London iyo Madriid duqeeyntu haleeshayoo
Dadkuna  ku ma badbaadin basaska dusha sarae
Sawaxanka dabdamiska ambalaska iyo argagaxa dadbani
Baroorta dumarka isku shareertay dusha sarae
Dadka dhintay iyo dhaawaca mudaa la daadgurayae
Duhur iyo casir ilmadu dilaqlayday dawladihi daqarada gaaraye
Dadkan khidaada dajiyaya umula dooxatadu
Soomaalaay way ku dul joogaane duhur iyo layle
Duulkaay tababareena waa duxdaadiyoo
Dabar bayna ku gu la xiranyihiine wayna ku dilahayaane
Dardaaran kooban Soomaalaay isku duubnaadae
Daaim cafis ka dalboe  diintana qabsadaa
Dagaal dheerna u diyaargarooba
Dabinna qoolaniyo  maskax doorsoonbae
Qabuura dumisyadu iyo dan wadaagtu
Fitno an damin iyo dagaal guracan
Damanuu akhirkana  duulkana lagu gartaayee 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *