Hadaydanisdilin

Hadaydanisdilin
Dadyahow doontu la daaday ee dantiisa aqoon
Waxa laysku dilayaa waa nimaadki dawladnimo
Ciddi duubka qabanlahayd  sharcigana dajin laheeydee
Adiguna waa kala daadsantahoo qabiil baa ku kala dilay
Qoondo diineedna kuu gu daran iyo dabin irhaabiye
Qarandiid baa ku dardaray iyo duul soo haajirayee
Afduub baa ku dubtayoo doorarkiina kaa dilay
Dad aqooneed  d’ayartii  iyo  culumau diinbae
Waxay kula damacsanyihiin diiftii Baqdaade
Duleedka Kaabuul iyo daafaha Pakistaane
Wana  meesha ay ka soo daalacdeen darsiga sheeydaane
Maskaxda sida loo doorsho ama dabin loo qooloe
Walaal an dakane kaa  qabin iyo dareenbae
Sidaa  risaas diirada lagu wada saaro ee loo dagoe
Mid ka sii daranna  way kula damacsanyihiine
Daaimoow  diintaada macaan dadku way dugsanayaane
Wadaad doorsoon  qabqable dagaal
Iyo siyaasi an damqeeyn kuwan dadka isku dilayee
Dagaalkana u adeegsaday  dano  siloone
Daliil been ah bay ku durugsadeen dantooda guracane
Naga  dul qaad Daaimoow  dalkana ugu deeq dawlad caadilahe
Dad an dawlad lahayn waa dayacane cid walba u dagane
Sida duur joogta xoolaha ama ari doog helay
Iyagoon dareen qabin baa dugaagu dig ku soo yiraahdayee
Kolkay diririgleeyaan daafaha u kala didaan
Buu ka dishaa  kii dagano  taagdarane
Soomaalidu waaba ka darantahoo iyagabaa laysku dilayaahe
Hoobiye an loo meel dayin bam dhulka lagu duugiyo
Intuu nin door naga dilay ama dumar iyo caruur
Yaa Dadoow qiyaasi kara ama dood ka bixin karayee
Madfac an loo meel dayin qoriga darandooriga u dhaca
Dad an waxba galabsan inta lagu dul tuuro
Dhiigooda la daadiyo gaalbaan ula danlahayee
Diintay ku dhigantahay ee laga daalacdayee
Hadaydan is dilin dad walaalo ah laysku dirin
Doorkii qabiilku is dilay Soomaali is wada dooxatiyo
Dayacan Unisom  Maraykan kan daamuray dalkaba ma yimaadeene
Dayuurad  hawada duushiyo dadka kuma duqeeyeen
Isna meeydkiisa dariiqa laguma jiideene
Diiftana abaartii dadku ku hoobteen
Dandarada fogaatiyo dunida macluusha lagama daawadeene
Dadkuna ma basaaseena iyo duunyo xoolaade
Hadaydan is dilin dad walaalo ah degaan ku wada nool
Dabkaa kama dhax shideen rasaas iskuma duqeeyeen
Dakanaha iyo colaadiyo deriska isma qoonsadeene
Amxaar  an  kuu damqayn dalkaba ma soo dageene
Madfac kuma duqeeyeen iyo qoriga darandooriga u dhaca
D’anyarti Xamar  iyo dumar ma laayeene dadkuna ma qaxeenee
Inkastoo dalka laga saaray dadka ka argagax
D’ayartii u dabka ku gubay daafaha Baydhabo
Kuwa dagaalka dalbayna waa Dimbiileyaale  
Fitnadiina ma damine way sii durugtaye
Dumiyaa  loo riyaaq ka daayana dib u socod naqotaye
Dadku intuu  wax dhisayaad  idinna dumineeyseen
Intuu  wax dawaynayaad  idinna dilayseene
Intuu  wax  dayactirayaad  idinna daydka ka rogayseene
Dabamaryeentu  diintay ku dhigantahay ee laga daalacdayee
Darxumada taala iyo diifta ina haysaa  hadaan idiin dulmaro
Dadkan  hayaamay ee daaf walba degay dunida dacaladeeda
Doonidan dadka lagu guray inta dollar laga qaatayee
Marna ku degtay dafaha cadmeed  marna ka dabaalo la yiri
Amaa daadka  haku qaado iyo duufaanta baase
Dabadeedna yaxaasku diirto dadki haajirka ahaayee
Dadoow maa is daba qabataan sidani dow maahe
Suntan bada lagu daadiyay ee adan dareen ka qabin
Difaac iska daaye iyo daryeelka  beyadeede
Duulka beri imaan waxaad ugu dowgashay
Darxumo dugsi u noqon iyo diifta xaalufee
Dadoow maa is dabaqabataan sidani dow maahee
Dad an dawlad  lahayn waa dayacane
Tii la doortaba dabandaabyo  la daba socataye
Dunidii ka hadhaye maxaa kuu dan ah haataniyee
Dawladnimo warkeedu waa dad is raacae
Dunidii nagu dawaqdaye ragoow dad ma noqonaa
Burcad badeedan lagu dawaqay  daaf ma iska marinna
Deeqdan batroolka dahabka iyo dheemanka 
Ee  Daaim nagu manneeystay adiguna aad dawarsaneeysid
Ee adan dan u ogeeyn umada ma ku daryeelnaa
dandarada dayrka ma ka tuurnaa
Dawlad laan waa dulli iyo dayacane
Dadoou taa ha la dareemoee

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *