Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

GARWAAQSI

Ma ka gubatay mana geliilyootay Ma is garab dhigtay mana garwaaqsatay Gobanimada Soomaaliyeed shaniyo konton gu jirsatiyo Miro laga guran gobaleeysi mooyae Midnimada guuldareeysatiyo kala gadoodkiyo Geyiga dunidu mareeysiyo geedisocodka noloshiyo Horumarka la gaariyo deriska gaafeheeniyo Soomalina geedkeey jiiftiyo garba l’anteediyo Talo guracaniyo guuldaro gooriyo ayaaniyo Guyaal badanna nalaku soo galbinaiyo Golihi kacaankuna ku goodin […]

IS BARBARDHIGGA SUXUFIGA

Ba’da maansadiyo is barbardhigga suxufigiyo Buugeeda  gabaygiyo hadaan furo beeydkeediyo Baaro baddeediyo suugaanta baaxadeediyo Labo kala baabiyo burhaantiyo fikirkiyo Kala soo dhax baxo bahda suxufigiyo  Colaadda mid biyo ku shubiyo midka babiya dabkeediyo Mid bulsho qaraniyo midka beeleediyo Mid an barbariiqaniyo midka la duuban barbarkiyo Bartiisa hadaan ku hormaro suxufi beeleedkiyo Bala quutihiyo midka ku […]

Bulsho Saasaheed – Youtube

Universal TV Interview

BULSHO SAASAHEED

MAANSADA BULSHO SAASEHEED waxay soo baxday 28/Novembar/2012 maqal wanaagsan Siinleey laguu tiri bulsho saaseheediyo S’oda murtidiyo laguu saray dhuuxiyo Sidaniyo sidaasiyo su’aaliyo jawaabiyo Sinnaantan ciir ciirtiyo saawihii hooggiyo Dadkan la kala sooc soociyo tobanka saamood leh Silica soo jireeniyo waxa soo socdaa yaab leh Taajirnimo an siraadaniyo Soomaali ka sabooliyo Sababtaa ii sifee waxa inoo […]

DHAMBAAL DAWLADNIMO

Madaxweeynaha la doortiyo dawladii uu xushiyo Dadka qoraaladiyo talooyinka daadihiyo Samatabixinta dalkiyo daneeya daganaanshiyo Dariiq lagu gaariyo dawladnimo taamiyo dardaaran samafaliyo duca Alla bariyo waano durdurtiyo digniin hordhiciyo daruufaha taaganiyo Soomali ka danqatiyo dhiiga daadanhaiyo dandarada asalkeediyo ninwalba daliilkiisiyo idiin cabir tusaalo diiraiyo Aniguna dardaaraniyo deeleeyda maansiyo duciyo waaniyo danaha qarankiyo murti darajo loosoo xuliyo […]

Dandaro

Nimba dooqiisiyo delleeyda maanso Daliili hadba daawgu siduu yahaye Dareenkanna  waa dandaradan taaganiyo Dadkan la bahdilay cidina u doodeeynin Danqashaduba waa gobanimee ma dareentay Diiftiyo abaartiyo qaxan is dabayaalo Dabkan shidan waayo la damin kari waayay Dulucda gabayga hadaan dib uga faaloodo Dabkeeda shidaniyo dandarada asalkeeda Kuwa dila muslimka dabadeedna gaaleeya Xaqa duudsiiya dugsada gardaradana […]

Qalinraacato

QALINRAACATO Qalinraacato la halaagiyo dabandaabyo qaran waa maanso an curiyay 4/May/2012 kana hadleeyso qaraxyadii nabadiidku ka geeysteen geeska Afrika maqal wanaagsan Qodobka maansiyo qowlka abwaankiyo Qasadka ujeedkiyo hadba sidaad u qotomisiyo Isu qabataa murtiduye ugunaa qushuucaan dadkuye Tanina qiilkeediyo ujeedkeeda qayaxan Waa *qaracaniyo xanuuniyo mid xambaarsan qomamiyo cile Qalinraacato la halaagiyo dabandaabyo qaran Waa maanso […]

Salaw

WAA MAANSO 50 SANO KABACDI DIB U SOO NOOLEEYNEEYSO KAANA SIIB KANNA SAAR MAANSADII CABDULLAHI SULDAAN TIMACADDE ABWWANKII WADANIGA AHAA UGU DEEQAY  CALAN SAARKII SOOMAALIYA 26- JUUN IYO 1- JUULAAY KAANNA SIIB KANNA SAAR -2 Ka labaatan sanooyin Saman haatan laga joogiyo Salawgii ka bilaawday Soomaaloo is cunaysiyo Saf qabiil la isku diliyo Safaadka iyo […]

Hadaydanisdilin

Dadyahow doontu la daaday ee dantiisa aqoon Waxa laysku dilayaa waa nimaadki dawladnimo Ciddi duubka qabanlahayd  sharcigana dajin laheeydee Adiguna waa kala daadsantahoo qabiil baa ku kala dilay Qoondo diineedna kuu gu daran iyo dabin irhaabiye Qarandiid baa ku dardaray iyo duul soo haajirayee Afduub baa ku dubtayoo doorarkiina kaa dilay Dad aqooneed d’ayartii  iyo  culumau diinbae Waxay […]