Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

TALO GURACAN

MANSADA TALO GURACAN WAXAY SOO BAXDAY 15/JUUN/2014 maqal wanaagsan
Kala gorfeeynta maansadiyo gabaygiyo geeraarkiyo
Gocashada xigmadiyo murtida geeyfaniyo
Gaarna loo laheeyniyo gola ka tiriskeediyo
Waa se qofkii garanaiyo Guule ku galadiyo
Anigoose kaba gaabsaday gebi ahaanteediyo
Guuxeedaba daaiyo golongolkeediyo
Waxba misna i gujinaiyo ii diiday gamaiyo
Soomaali geedeey jiiftiyo garba l’aanteediyo
Gadaal u raac taariikhdiyo laga baxay gumeeysigiyo
Gobanimadii lixdankii Rabi nagu gargaariyo
Gobolada laga taagay calanka xiddigta lihi shan geesoodkiyo
Farxad lala wada guuxiyo gamaahiirtu ku diirsatiyo
Markiise loo sacba garaacay sanad guuradii sagaalaadiyo
Guclihiyo gaardiskiyo la gudoonsiiyay damaashaadkiyo
Xididadii u gooyay xukuumadii afgembigii lala gaadiyo
Golihii kacaankuna goankiisu yeeshiyo
Talo geed adagiyo Hantiwadaaggu garbo u noqdiyo
Xuriyatil qawlkiina la gimbiyay gadwalkiina laga saariyo
Xukunkiina  isku gadaamiyo geesna u dhaafiniyo
Ilaa genigii tobanka gelin lagu qadeen jiriyo
Gebisna goyn waaiyo galaas biyo liimiyo
Amaanna loo gurban tumiyo guulwadoow ina daadihidiyo
Cabsina  loo sacab garaaciyo bal ineeysan ku galaafaniyo
Gelinka horana godka lagu rido qabyaaladdiyo
Galabtiina laysku guhaadshiyo garboo loo toliyo
Kii ka hadla garashadiisana xukunka guracaniyo
Xabsiga loo gabagabeeiyo ama geedka la taagiyo
Dadku wada gadoodeeniyo dagaal gorada lays dariyo
Jabhado gaadaamanna gucliyo weerar soo galiyo
Qabyaaladna isku garabsadiyo geesna u wada socaniniyo
Markeey guushi raacdayna iskula jeestay gumiciyo
Talo guracaniyo gacalo isir qabiil isu gumaadiyo
Xumaantana ina gayeeysiisay Soomaali geedkay jiiftiyo
Kud laga guuriyo furuqiyo qanjana goroda lala galiyo
Gabogabo waalan geedi socodki noqdiyo
Dagaal oge guracanna geeswalba ootiyo
Guuyaal iyo guuyaal wuxu madfucu gawleeiyo
Meeydka gagan dariiqiyo la kala guri waayo dhaawiciyo
Abaar lagu goiyo loo gogol xaaro g’odoonkiyo
Gees ka gees dhamaan gobaladeenna asiibtiyo
Dadkiyo goosanka xoolaadba is garab dhigtay qalfoofkiyo
Macluushu dadka galaafatiyo odayada gaboobiyo
Gabanadiyo gabdhihiyo gashaan qaadna an dhaafiniyo
Boqolaal kunna gaadhay tirade dadka u g’oay gaajadiyo
Gu’ jirka hoyadii gablantayna gaadadeeda gilgiliyo
Gogon caaniyo jidiin ka goobaiyo
Sawirkaa laga gariiriyo wargeeysku soo gudbiiyo
Ilmadu gabaxleeyso gamahiirta dunidiyo
Garaad laawaheenana garneelka ula gaatamiyo
Gumiciyo risaastana geesaha kala raaciyo

Geeshkii gaaliyo Islaam inoogu yimid gargaarkiyo
Dabadeedna  la soo gunaanadiyo goaamo adagiyo
Ka guuritaanka geyigeeniyo gabagabadiyo dib u gurashadiyo
Gashaan buurtiina shiraacatiyo  inoogu timid gurmatkiyo
Inana gama’ isu diidkiyo halkiisi ka miisnay  is gawriciyo
Caku Soomaali geedkeey  jiiftiyo garbalaanteediyo
Dagaaladan lagu go’iyo ina galaaftay guyaal badaniyo
Geyigeena hareeiyo  sababay galab caraawgiyo
Guuradiyo tahriibkiyo gosha lagu baabiyo
Gabdhiyo wiilalna badaha ku go’iyo
Ama saxraaga dabeeshu guuxdiyo ee geesaha dunidiyo
Taladaa guracanna ina gayeeysiisay goobaha qaxootigiyo
Intaan gacmaha is qabsan lahaayn gargaar walaalnimiyo
U gogol xaari lahayn giilka soo koraiyo
Dunidana la geli lahayn guclihiyo tartankiyo
Geedisocodka horumarkiyo badbaadada geyigeeniyo
Xaqoo la garabmariyo gacal moodnay qabyaaladiyo
Gurbaankeeda la isugu faaniyo gurxankeediyo
Runtoo la gees mariyo beentoo garbo loo yihiyo
Hadaan galac lair ku ifiyo garashadan jiiftiyo
Wadajirkan gaabiska noqdiyo gafkan laga waantoobiniyo
Umadan gaba gabeeysan geesaha u gala jeediyo
Garba xumida noloshiyo musiibadan inoo gabraarsaniyo
Geyiga aduunkuna inoo arko gaajiyo rafaadiyo
Gudoon habaabiyo laaluush guudka u xidhiyo
Umad gurmad sugtiyo gacma tuugsi bartiyo
Dagaal gacalku is gumaadiyo anadiyo aar kala goosigiyo
Qabyaaladan gaamurtayna isku garabsatay kala geeyntiyo
Gartoo la duudsiiyo xaqdaradoo lagu gorgortamiyo
Gacan ku dhiigluhuna gaadadiyo u lula gashaankiyo
Guuriyo is gaad gaadkiyo gawrac an kala go’lahayniyo
Taariikhdaa gamboona kuwii diiwaanka inoo geliyo
Guclaha ugu jiray kala geeyntiyo danaha gaar ahaaneediyo
G’oa  laga furto dumarkiyo gareeyskiyo gorgoradiyo
Wax ma garatadaa is garab marsaneydiyo jahligu gaasiriyo
Maxkamadoo yaa gabagabeeiyo loo sacba garaacay guushoodiyo
Balse gool fogiyo an lahayn mustaqbil la garan kariyo
Geedi socodkiyo guryo samo lagu gaariyo
Gafuura duubkana gogosha u xaariyo
Giil la marin habaabiyo sixirka Godaniyo
Irhaabiga wax gumaadiyo mooryaan gareeydiyo
Dunidana ka soo guuriyo ku gabraarsaday geyigeeniyo
Gelin ku taajiriyo helay Geel la boobiyo
Dukaaman la gabagabeeiyo wixii gacantooda gaadhiyo
Gumiciyo ku iibsaday gaarigiyo gantaalkiyo
Guur la qasbadiyo genigiyo ku hantiyay gabanadiyo
D’ayartiina  galaaftiyo dhamaan wax ma garatadiiyo
Mansab gumaadiyo lagu goobiyo dhiig gororiyo
Diintana lagu koro geedkiisiyo garbana laga dhigtiyo
Gacmo gardariniyo madaxana ka gura wax garatkiyo
Giilka aqoontiyo hayadaha gargaarkiyo
Geestana kala raaco qarixiyo golaha mujtamiciyo
Goobaha caafimaadkiyo gudoonka samafalkiyo
Soomaalise kaba gudbiyo deriskana gilgiliyo
Gulufka dagaalkiyo qaraxana la galiyo
West geedi Nairobiyo goobihii Isliyo
Kuwa naftooda gooyana garneeladana xiraniyo
Isku gubay Kambaaliyo Jabuutiyo goloyaasha qaxwihiyo
Sababay geeridiyo dhaawiciyo gurmatka degdegiyo
Godobtaa la kala galayna iyo garnaqsigeediyo
Gelin laguma  gorfeeyn kariyo gu’yaal mooyae
Waxanse ku soo gaabagabeeya Rabbi ha inagu gargaaro
Geyi nabadeediyo barwaaqo is garab taaliyo
Soomali gacmaha is heeysatiyo gees u wada jeediyo
Dawlad wax gudiyo lehna goaan meel mariyo
Gees kalena looga soo gurmaniniyo gudub shisheeiyo
Iyadu is gardaadisiyo geeshkiyo boliiskiyo
Shicib garaadkiisu sareeiyo maalo garabkiisiyo
Gacantiisu koreeysiyo sugin gurmad lala soo gaariyo
Garwaaqsada giirkeena xoolaadiyo tajirnimada inoo gooniyo
U guntada galaw shaqiyo goaan wax soo saariyo
Macdantiyo gaaskiyo gabraaran geyigeeniyo
Guntiga hoosiyo guudka sariyo
Gees ka gees dhulkeeniyo gebi ahaan baddeeniyo
Rabi ha ina garadsiiyo hantidu nagu galadiyo
Guuloow Amiintana garabka ka raacsiiyaye

Comments are closed.