Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

GARWAAQSI

Ma ka gubatay mana geliilyootay
Ma is garab dhigtay mana garwaaqsatay
Gobanimada Soomaaliyeed shaniyo konton gu jirsatiyo
Miro laga guran gobaleeysi mooyae
Midnimada guuldareeysatiyo kala gadoodkiyo
Geyiga dunidu mareeysiyo geedisocodka noloshiyo
Horumarka la gaariyo deriska gaafeheeniyo
Soomalina geedkeey jiiftiyo garba l’anteediyo
Talo guracaniyo guuldaro gooriyo ayaaniyo
Guyaal badanna nalaku soo galbinaiyo
Golihi kacaankuna ku goodin jiriyo
Gobanimo taamiyo ee shanta geesoodiyo
Guul u soo hoyato gebi ahaan Soomalidiyo
Gaar ahaan NFD,Soomali galbeediyo
Ka gadootay Jabuutina hantiwadaagii Soomaali gilgilaiyo
Midnimadiina ka gaabsatiyo gooni isu taagtiyo
Garabna kaga heshiyo gumeeystihii Fransiiskiyo
Ingriiskuna difaac ka galiyo goobahaNFDiyo
Gobolna ka dhigiyo Kenyada galbeediyo
Gashaankana u daruuriyo Soomaali isu gurmatiyo
Geyi mideeysaniyo gobanimo wadaagtiyo
Amxaaraduna ku guuleeysatay siyaasad guracaniyo
Saxibtinimadii golihiihii Sovyeetigiyo gashaanbuursigiyo
Soomalina goa loo tuuriyo Ka gilgilo la yiriyo
Gudoonki kacaanka se goan ku gaariyo
Gacan la siiyo gobanimo doonkii Soomaali galbeediyo
Dagaalna lagu galiyo hubkii Ruushka laga soo gadiyo
Dhegahana laga gufeeystiyo handadaadu soo gudbinaiyo
Goortiisa la xureeyay Godeeiyo Jigjigiyo gaafeheediyo
Gaarahaan inta badan Soomaali galbeediyo
Weerar soo gal shuuci gaadaweeyniyo
Xabashadiina la garab istaagay gacaltooiyo hiiliyo
Dagaalna soo geli dayuuradaha guuxooda ka dhereeiyo
Taangiga gurguurtiyo gawaarida gashaamaniyo
Dayax gacmeedkuna guudka sare ka galbinaiyo
Lana soo gabagabee geeshkii Soomaaliyeediyo
Mudo gaabanna xuduudda dib uso galiyo
Guuldariyo ciiliyo garbaha loo soo suriyo
Afgembina la soo guuree goosan saraakiiliyo
Inqilaab an guuleeysanna Xamar gilgiliyo
Jeebana gacmaha loo suriyo kuwii dimbigaa galiyo
Degdegna geedka loo soo taag risaastana lagu gorariyo
Caro gaamurtayna lagu kala gadoodiyo
Geeshkii Soomaaliyeedna garab mar xargaha goostiyo
Gogol xaar dagaalna xuduudaha uga gudbiyo
Gucliyo diyaargaroowgiyo guluf colaadeediyo
Jabhado gadaamanna weerar dib u soo galiyo
Qabyaaladna isku garabsadiyo geesna u wada socaniniyo
Guyaal iyo guyaal wuxuu madfucu gawleeiyo
Gacalo wada dhashayna gumuca isla gaadiyo
Gabogabo iyo wareer gumaadna lays badiyo
Guclihii dagaalkana tobaniyo go’go’gu’jirsadiyo
Muqdisho ku soo gabagaboow iyo gafaheediyo
Jabhadiina guuleeystiyo gacanta sare yeeshiyo
Gaardisiyo damashaadiyo risaastana cirka u ganiyo
Guutooyinkii dawladana dib u gurasho ku bixiyo
Guuldariyo halaagiyo gobalada la kala xuliyo
Golihii kacaankuna geesaha u kala carariyo
Balse kud ka guur furuqiyo qanjana gorada la galiyo
Geedi socodki noqoiyo gafaniyo halaagiyo
Dagaal oge guracanna gees waliba ka curtiyo
Waxa lays gumaadaba qabyaaladna laysugu goodiyo
Shicibkiina kala gadoodiyo kana cararo guryahoodiyo
Xuduudahana kala gudbiyo gaajadiyo haraadkiyo
Xeryahana lagu guriyo lagu quudiyo gaaweetadiyo
Gabanadiyo iyo gabdhana doonyaha isku guriyo
Qaybna ay la gadoontiyo mowjadaha galaaftiyo
Yaxaaskuna ku gaajo beeliyo gebiahaantoodiyo
Qaarna meelba gaariwaaiyo gaajana u goiyo
Ama goolkuba ku feentiyo saxraaga geeri lama degaaniyo
kuwana gantaalkiyo madfacu guryhooda ugu galiyo
Gidaaradana laga soo hoos guriyo dhaawac laga gariiriyo
Ama qaar nololba lagu gaariniyo goor hore gablamiyo
Gelin waliba yabkii gu’ waliba saxariirti
Gafuura duubna ku soo biir goobaha dagaalkiyo
Jahli gambaaburaniyo garna geliniyo
Diintana ku gambadiyo xukun ku goobaiyo
Gawricina toban u jibaariyo gooriyo ayaaniyo
Gawaarida qaraxdiyo miinada laysla gaadiyo
Gabaniyo maangaabkana garaadka ka masaxiyo
Garbahana u suriyo garneelada qarxiyo
Hoteeladana isku gubiyo golayaasha shirarkiyo
Goobaha lagu badanyihiyo Suuqyada guduhoodiyo
Meeydad an la kala garaniyo ximnuhu gogoaniyo
Cadadka gubtiyo lafaha gamaariyo
Gidaarada hoos waraniyo ama saqafyada is gudubsaniyo
G’oyaal lagu duubiyo laguna soo daad gureeyo gawaaridiyo
Isbitaaladana la geeyiyo loona gudbiyo godadkoodiyo
Caku Soomali geedkeey jiiftiyo garba l’anteediyo
Geeshkii Afrikaankana gaar haye inoo noqdiyo
Gobolo badanna laga xureeyay gafuura duubkiyo
Welise an laga guuleeysaniyo lays gaad gaadiyo
Geeshkii Soomaaliyeedna gashaan qaad an noqoniyo
Intaa garataye sidee looga gudba guuldaradaniyo
Mixnadan gaamurtiyo ee geyigeenna hareeysiyo
Gama’na inoo diidiyo nabad lagu kala gooshiyo
Looguna gogol xaara isku filnaansho la gaariyo
Soomaalida gudaha joogtiyo ama geesaha dunidiyo
Iga gudoon dardaaraniyo naseexa gaabaniyo
Gafuura duubka ha la gooiyo geedkoodiyo
Qabyaladana ha la g’odoomiyo midnimo ha loo guntadiyo
Garaadka aqoontuna guul ha laga gaariyo
Gunnadana ha la gudoonsiiyo gaar hayaha salabka sidiyo
Musharkuna yuu ka kala gaaban shaqaalaha giddigoodiyo
D’ayartuna ha loo garabjoogteeyo shaqo geeswalbiyo
Gacan walaalnimo ha loo fidiyo gurmadkiyo
Dhamaan Maatida gabraaran gobaladiyo
Hawlgabkiyo giilka naafadiyo kuwa gaboobiyo
Guryana an heeysaninyo daryeelka guudiyo
Xoog ha la geliyo beerihiyo geerka xooladiyo
Macdanta kala gedisaniyo batroolkiyo gaaskiyo
Badda gudeheediyo dhulka guntigiisiyo
Goboliyo degmiyo gees walbiyo
Warbixinna ha laga soo gudbiyo caqliga gashiyo
Ha la geesinimo geliyo shirkadaha maalgashigiyo
Daacaddana ha la gudoomo Guule ha laga cabsadiyo
Gacan birana ha lagu qabtiyo musuqmaasuq geeystihiyo
Maxkamaduna ha guuleeysato gooriyo ayaaniyo
Golaha dawladuna masuuliyadiisa ha gutiyo
Ha hiigsado guul taamiyo gobanimo la gariyo
Singaboorba garaadkda aqoonta guudiyo
Maalgashgiyo ku gaartay goolka isku filnaanshiyo
Wana jasiirad gaaskiyo an laheeyn macdan u gaariyo
Giirka xooladiyo goofafka la beertiyo
Guyaal beyna kaaga dambeeysay gumeeysigiyo
Seddexaad yeyna ka gashiyo dawladaha guuleeystiyo
Ma is garab dhigtay mana garwaaqsatay
Ma ka gubatay mana galiiyootay
Geyiga dunidu mareeysiyo horumarka la gaariyo
Soomalina geedkeey jiiftiyo garba l’anteediyo
Waxaanna ku soo gabagabeeiyo Guulana ka baryiyo
Soomali guuleeysatiyo gacmaha is heeysatiyo
Geed nabadgelyana gidigeed harsatiyo
Barwaaqaduna is garab taal goboliyo degmiyo
Amiin Amiin Amiin

Col/ enj/ Abdi Hilowle Hassan

Toronto 25/09 /2015

Comments are closed.