Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

Qaanbax

QAANBAX {QARANNIMIYO QABYAALADIYO}
Qumaleeylki xalay sow kama soo qumin hurdadiyo
Qaddarkuna iguma oran arinkan qiimeeiyo
Qaabsami uga baaraandegiyo qaayahiisiyo
Gartana u kala qaadiyo midbwalaba qaaybtiisiyo
Qumanahoodiyo u sheeg midkasta qaladkiisiyo
Qarannimiyo qabyaaladiyo meel ma wada qaadaaiyo?
Jawaabtiyo qaanbixiyo u kala qoondeeiyo
Sow lama soo qooransan qudheeydiyo
Qaadirow Rabboow sida qumaniyo
Bal qarannimoy inoo fur fur waxa ad qoonsatiyo
Qayaxna qisadaadiyo suasha qotada dheeriyo
Lagu qanci kariyo inta ku quseeysiyo
Soow qarannimo qaladka loo geeystiyo
Lama soo qaadaadhicin waxa gubay qalbigeediyo
Qiil bay tiri waxay u aheeyd qabyaaladiyo
Qarniyaalkii badnaa Soomaalidu ahayd qowmiyadiyo
Qas iyo jahawareeriyo dagaal qorsheeysaniyo
Ceelal la kala qabsadiyo geel la kala qaadiyo
Qoortoo lays wada jariyo warmo laysla dhex qaadiyo
Qolo qolo laisku diliyo anaa kaa qabweeyniyo
Qaantuna tahay qofka lagu qasqaasiyo
Qabiilka muxuu uga dhashiyo qaadir uga yeeliyo
Nus qarniigii dambana qaran an aheeyniyo
Qoowmiyad xurowdiyo calanna qotonsatiyo
Sii qalafsanaatay arintiyo waxay gaartay qaaba qawseeniyo
Qaar ka mid ah xil qaadayaashii sida quman loo doortiyo
In masuuliyadda qarankiyo loo guto baqdinta Qaadirkiyo
Soow ma noqon qaar wax kala qabeeiyo
Qaraabakilkiyo quud raaciyo ku nool qaansheegadkiyo
Qolo jecleeysigiyo quursigiyo maskaxda ka qabsadiyo
Qaarna hoos u quudiyo qaarna qaybtooda qaatiyo
Qolo walibana xil qaadaheeda qarameediyo
Qumane u yihiyo mid an qaldaminiyo
Qaranka horumarkiisiyo u taagan qowmiyad walbiyo
Qolada kalena mid qaybheeybsigiyo ku dheereyo qululubtiyo
Qaandigiisa buuxsadiyo waxna u qabaniniyo
Maatida qadsan jidadkana qubaniyo
Waxaase ka sii qaabdaran dagaalada la qorsheeiyo
Qabiilkana ku qotomiyo abtirsiga qaybsoociyo
Qoray la soo boodkiyo qasnada risaastiyo
Qabarkoo an la hubsaniniyo dagal loo wada qalab qaatiyo
Qiiradiyo tolbeeleediyo dadka lagu qaldiyo
Qaraw la kiciyo soo qabo qoortana ka jariyo
Qabqablaha dagaalkiyo qaar wejigooda qariyo
Qaabiilkana ku qaraabtiyo ama diin la qasbadiyo
Qaaidnimaduna kala qiimaweeyniyo dhiiga qubtiyo
Dhulkeena qaribiyo rubuc qarni naga qasaariyo
Kumanaana qixiyo xeryaha lagu quudiyo
Ama cudurka ugu qurbixiyo kaymaha qaldaniyo
Qaybna gaajadiyo haraadkiyo nafta ka qibloodiyo
Amaba qababaclaha cuniyo dugaaga qadsaniyo
Doonyahana qaar isku guriyo qaaradaha u kala tahriibiyo
Inta doolar laga qaatiyo lagana qubo qaybtii la qonsadiyo
Marna huurigu qalibmiyo mowjaduhu dadka qafaashiyo
Yaxaaskuna ku qadeeiyo qamqamlaha badda quusiyo
Qureeshta Soomaaliyeedna tahriibka nafta u quuriyo
Saxraawigu qaar qafaashiyo ama magafaha sharcigu qabaniniyo
Sanooyin qolalkooda ku xirtiyo amama qoorta ka jariyo
Qaarna xabsiyada quursigiyo naftooda lagu qaribiyo
Qiiradiyo ciilkiyo naftaba iskaga qibloodiyo
Qarannimoo ilmadu qubatiyo la qandheeysan qaracankiyo
Yaa qaansheegatkiyo ku soo gabagabeeysay qodobadeediyo
Qabyaaladuna si qabaow ula soo qooraansatiyo
Bal qabsada yeey tiri an idiin qayaxo qisadeediyo
Wax lagu qanciyo qareenna u baahneyniyo
Qowlkayga yaan isku difaaci waxna qarinmaaiyo
Qoom Allow iga qora Waa qiil kama dambeeyniyo
Qabiil haddan ahay sida Qaadirku sheegiyo
Quraankuna qiray waa in qaraabadu isku aqoonsataaiyo
Wax qalada ma gelin Qaadiroow maganiyo
Qamiisbaanse noqdiyo qoorta la surtiyo
Sax iyo qaladba dan lagu qunsadiyo
Labo qirqireey seeftiyo lagu qaraabtiyo
Inta badanna la qaatiyo dhinaceeda qaribaniyo
Qaybteeda wanaagana laiska wada qubiyo
Qoomka baniadamka qaar yaa qaladkaa galiyo
Bal qabsada taniyo qaabiiliyo haabiiliyo
Labo uur lagu wada qaaday yaa qoorta is jari jiriyo
Diinteena qayimanna Quraanka Rabbigiyo
Lagu kala qiimeeyo sax iyo qaladkiyo
Qaadirkeenu u soo dejiyay badbaadada qoomkiyo
Labada qayboodiyo noloshiyo qiyaamadiyo
Qaarbaa leexsadiyo qasdi xukun la qiima weeynyihiyo
Ku burburiya qaruumihiyo qaarada Islaamiyo
Qiiro qarannimiyo anaa kaa qumubulad weeyniyo
Waa tan quwadaha dunidu qoorta isu gelisiyo
Qaaidkii dagaalka qorsheeyana qadirin ku heliyo
Qaribaadu geeystiyo dimbina lagu qaadiniyo
Qarannimo qaladkaa ma laha kana qiimaweeyniyo
Qamiis baysa noqotiyo qoriga dabka lagu shitiyo
Iyagoo qarannimo hugsan quwadihii Jarmalkyo Jabaankiyo
Waa kuwii qorsheeyay dagaalkii qaaradihiyo
Qaybtiisi kowaad iyo labaadba qarnigii tagiyo
Mareeykankuna qasdi u tuuriyo labo qumbulataduriyo
Malaayiin yaa ku qurbixiyo qaraxyadiisiyo
Qabyaaladuna taa ayeey la qeeyb tihyo
Kaba qasaara yar kuwa hugsan qamiiska qarannimiyo
Qaladkana waxa leh qaaidyada qabiilkiyo qarankiyo
Qowmiyadaha ku burburiyo dantoodana ku qunsadiyo
Qabyaaladuna halkaa kula soo qaadaadhacday qiilkeediyo
Qodobadeydu yeey tiri waxay ku qotomaaniyo
Qof qaldan qabashadiisiyo
Qof quman qiro geliskiisiyo
Qof qadsan quudintiisyo
Qof jiran wax u qabadkiisiyo
Qof qaddarkiisu idlaaday qadirintiisiyo
Labo calaf isu qabtay qooys la dhiskoodiyo
Halkaana lagu soo qambir qaansheegatkiyo
Aniguna yaan gabaygu ila quusine badaha qafaashiyo
Waxan ku soo qufuliyo qofwalboo qiiraaysaniyo
Ishiisuna qabatiyo qoraalkiyo qasdiga maansadiyo
Dooda qiimeeiyo qisada laysku qabsadiyo
Qalad la’aniyo qumanaaniyo marki qoomku is qadiriyo
Qaaidyada ku abtirsada labada qayboodiyo
Qaranimiyo qabyaaladiyo meel wada qaadaaiyo ?
Qowlkaadana ka dhiibiyo lagu kala qaanbixi kariyo
TORONTO 21/01/2016

Comments are closed.