Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

KALA MAAN

Militarigan macluulay misna an laga maarminiyo
Boqolka doolariyo wax la mid ahi mushaarkiisu yihiyo
Maalmana ku filneeyniyo sbarada u maganiyo
Mar marna lays daba mariiyo qasnadduba maratiyo
Mooshinada is daba meerestiyo mudanaayaashu keeniyo
Kana muuqan mid quseeya maamulka militarigiyo
Dhaguhuba maqlaynin moowduca marsuufkiisiyo
Macishada noloshiisiyo maareeyntiyo daawadiyo
Misna la mudaanyihiyo mugiisa difaaciyo
Walee waa KALA MAAN iyo labo is moogiyo
Midka dhufeeyska ku jiriyo maaliniyo habeeniyo
Meel qaboowiyo midka jiifiyo qasri muraayadlihiyo
Labaatan mar iyo mid ka badaanna yahay mushaarkiisiyo
Askarigana u maganiyo gaarka ka hayo mininkiisiyo
Soomaali mixnada heeysatiyo musuqiyo musiibadiyo
Mudnaanta la xaqiriyo midka weerarka looga maganyihiyo
Taangigana laga mamnuuciyo madfaclaha militarigiyo
Dayuuraddiyo markabkiyo mahiigaanka saaruukhlihiyo
Hubka mugga weeyniyo ka maquuniya cadawgiyo
Meelo fog fogiyo masaaxa balaaraniyo
Militarigaan gajadu miratiyo milicda silooniyo
Muraad si khaldaniyo lagu radiyo sbaaro meelo la dhigtiyo
Ku mashquulay mushaarkiisiyo maciishadiisiyo
Kuwii masuulyadu saarneeydna xulkii mudanayaashiyo
Mooshinka kala maroogsadiyo madaxweeyne la ridiyo
Maamulkaan is daba meeriyo miisaska isu garaaciyo
Safaradana laysla madaxmariyo anaa kaa mudaniyo
Mareeykankiyo Yurubtiyo mudo lagu maqnaadiyo
Maaweelo laisku muujiyo calan madaxa la surtiyo
Hashu maankeeyga yey gadaye ma masaar bey liqdiyo
Maanta taagantahay meel jaha wareeriyo
Masuul iyo magantiisiyo labo KALA MAAN iyo
Midbaa tahay sito magac madaxweeyniyo
Midbaa tahay maamul gobaleed ka masuuliyo
Midbaa tahay maqaam wasiir loo magacaabiyo
Midbaa tahay mudanenimo lagu maamuusiyo
Midbaa tahay maareeiyo madaxda shaqaaliyo
Ma doowbaa maqsarkiyo milyanada ku baxa safaradiyo
Maaweeladiyo is muujintiyo lagu maro magaalooyinkyo
Hoteelo marfishkiyo lagu hardhay calomo kala midabiyo
Midka Soomaaliyeediyo mid gobaleediyo
Laguugu soo dhaweeyo mudanoow marxabiyo
Cunto macaaniyo muusikadiyo heesihiyo
Farxaddiyo la munaaqooto maqaam dhalanteediyo
Magaaladaadina moortarkyo lagula meereesto madficiyo
Marna miinada lagu qarxiyo ama baabuurta is miidaamisiyo
Rasaas an loo meel dayiniyo dadka isu martiyo
Meeydadkiyo dhaawiciyo laga soo guro musaskyo
Qoomka madaxa duubanna kuwa la marin habaabiyo
Meediyaha kaga faaniyo maalinta xigtiyo
Dhiiga maaxdiyo musanaawgiyo muraara dilaaca shicibkiyo
Miyaan garashadu dhigeeynin maanka garwaaqsadiyo
Maalkaga u hur midka kaa difaaco kuwa dhiiga ka macaashiyo
Malishaadka la marin habaabiyo ee madaxa duubaniyo
Mehered laawihiyo mooryaanka mayalka adagiyo
Moortarkiyo madficiyo ku asqeeya maqaayadihiyo
Macsharka hoteeladiyo martidu ku badantihiyo
Xarumaha maamulkiyo maareeyntiyo madaxtooyadiyo
Meelaha loo damashaad tagiyo dadku war moog yihiyo
Miinadana dadka la gaadiyo mar la daganyihiyo
Baabuurtana kaga mardiyo meelo qarsooniyo
Adigoon maleeyneeyniyo mar xun kula qaraxdiyo
Markii akhbaarta la maqlana macariiftu isu meerisiyo
Marxuumka duca u mariyo mid wanaagsan buu ahaaiyo
Maanlaawe gardaran mid la marinhabaabiyo
Diintana ku marmarsoodiyo yaa malgiyo
Madaxduna maqaal tacsiyo makroofanada soo marisiyo
Wan cambaareeynay musibadaasiyo kuwii maleegiyo
Walee waa KALA MAAN iyo labo is moogiyo
Midka dhufeeyska ka milicsadiyo mortarka laysla gaadiyo
Mooryaan gareeydu soo ridiyo maskaxda laga meeyriyo
Iyo midka gaariga muraayadaha madoow rakaabkuna muuqaniniyo
Marna marna risaastu kariniyo magaalada la dhex meereeystiyo
Ama miiskiisa la fadhiya moobaylka sheeko macaaniyo
Maxaa kuu mac ama kuu qaraarna marwadiisu leedihiyo
Walee waa KALA MAAN iyo labo is moogiyo
Midka guclaha weerarkiyo miriqshaanleeynta ugu jiriyo
Xureeynta masaxada weli ku jira midigta mooryaantiyo
Magaalooyinka Ceeldheeriyo Mareegiyo
Mudunka Jilibiyo Jamaamiyo iyo kuwa la midihiyo
Misna an heeysaniniyo maciishad ku filaniyo
Mushaarkana laga meermeeriyo maalmo badaniyo
Marwadiisuna la maadatiyo caruurta macluushiyo
La doon doonto maraqiyo muufo waxay ugu gadiyo
Deeyn meel ku gariyo macamiishu ay ka heshiyo
Walee waa mid kaa maqan degenaansho la mahdiyo
Mashruuc lagaga maarmo AMISOMta midowga Afrikiyo
Malo awaalna maahane waa xaqiiqo mug weyniyo
Mar hadaadan siinayn mudnaanta koowaadiyo
Midka salabka sidiyo militarigiyo Boliiskiyo
Shaqaalaha maamulkiyo meel kastoo ay joogaaniyo
Guul ha maleeyniniyo xuriyad loo mashxaradiyo
Horumar muuqdiyo nabad lagu macaashiyo
Hasheeni maandeeqna la milkiyay kowdi Luulyiyo
Inaysan mugdi ku dhaceeyn mar labaadiyo
Madficiyo moortakana ka dhigeeyn nirigteediyo
Maxay ku nuugtaa maxaysa ka nuugtaiyo
Meel baabadiyo dadku hijro laysla wada madax mariyo
Midwalba dan moodo in maalin uun lo bareero
Moowjadaha badweentiyo ama magafaha saxraawigiyo
Intaa idiin mariyaye bal maskaxda geliya mid naseexaaiyo
Meelna igaga qora dardaarankiyo digniin muuqatiyo
Magaca Soomaaliyeedoow maamuliyo shicibiyo
Miyi iyo magaalaba meel walboo ad joogtiyo
Ha u muhanin maal aduuniyo manfaca u hur militarigiyo
Maanta waxay taagantahay yaa maali jiriyo
Maankiinana geliya waa mid kama dambeeyniyo
KALA MAAN iyo murteediyo ku soo gabagabeeyay maansadiyo
Inteeysan masaladu ila maaxin mowjadihiyo
MOOWLAHA RABBIGANA ka baryayaa Soomaali midoowdiyo
Majaheeda ku taaganiyo gaarto horumar muuqdiyo
Noqoto mid ISKU MAANIYO lehna militari hanaqaadiyo
AMIIM AMIIN AMIIN
TORONTO 1/3/2016

Comments are closed.