Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

DAWARSI KA BAX

DAWARSI KA BAX
Damaq laand iyo daryeel laand waa uliyo diirkeediyo
Mar hadaan dawarsigyo looga baxeeyn dandaradiyo
Deeleeyda tixdiyo waxan uso daliishaday doodaniyo
Dareenka maansadiyo danqashiyo dawarsi ka bixiyo
Masuuilyadda dul saarran lidarada la soo doortiyo
Dawlad goboleedyada an diidaneeyn diiwaanka Soomaaliyo
Ama gooni u daaqa yiri dalkaa waa ka g’oiyo
Damdam maraniyo doorar baa nahay dalka u taaganiyo
Walee laguma diirsado darur an xareed laga doogsaniniyo
Deg deg kugu dulmartiyo iyo xays badda ku dul hooriyo
Balan qaad dalooliyo looga bixinin dawarsigiyo
Maaweelo laysku daaliyo ee dan ku gaariyo
Waxba yuu ina kala duufsan darajo doonkiyo
Dad wada dhashiyo duul waxan nahay
Hooyo wada daadihisiyo isu damqo damiirkoodiyo
Duntu isugu xirantihiyo diiwaanka taariikhdiyo
Diirka midabkiyo wadaago diin islaanimiyo
Daryeelse ka dahaniyo dihaalka la derisiyo
Dawladxumo dawo loo hayniniyo musuq durbaantuntiyo
Ka dabran danta guudiyo doorse bidiyo tan shaqsigiyo
Daneeysigiyo duudsigiyo dugsiyo loo furo dabamaryeentiyo
Dibaddana laga soo daadgureeiyo dadka loo taba bariyo
Daacadnimadiyo danqashaduna dawaali loo dhoofiyo
Dalkaba laga saariyo duf ku baxana la dabadhigiyo
Dooxatadiyo dagaalka sokeeyana dib loo soo abaabuliyo
Damaq laand iyo daryeel  laand waa uliyo diirkeediyo
Mar hadaan dawarsigiyo looga baxeeyn dandaradiyo
Milyano yaa diif abaareediyo dugsan daruufa adagiyo
Daacuunkiyo macluushiyo dayrka u saaran dabargoiyo
Dibadyaalkiyo duul tahriibiyo dadku ku badanyihiyo
Dalanbaawgiyo laga bixin dabadheer abaartiyo
Dogobo soogsooganiyo duurjoogta nabaadguurtiyo
Marna webigu dawaamiyo daafaha ka daaciyo
Daadku qaar la tagiyo dadkiyo duunyadiyo
Duufaanadu dariqyada xiriyo la kala dabqaadan deriskiyo
Dumarka tabaaleeysanna caruurtu daba dareertiyo
Duqoowdiyo d’ayartiyo  la il daran dabaqyo nololxumiyo
Haajirku is daba joogiyo ku wajahan dalalka deriskiyo
Duulkii naf ku gaarana cuduradu doc u ridiniyo
Ama dugaagu ku feenan saxraaga lama degaaniyo
Rarka isaga dejiyo daashaashka qaxootiga loogu dawgaliyo
Xeryooyin deeyr ku oodaniyo degmooyinkana ka xayiraniyo
Danwadaagiyo daryeeliyo magacyo sito taageero dooniyo
Darxumiyo gajiyo hugsan dareen NGOgu wax ku dalbiyo
Deeqda soo xarootana laba dalool doc lays dabamariyo
Dallaliinta qaar ka taajiriyo dawladaha ka wakiiliyo
Damaq laand iyo daryeel laand waa uliyo diirkeediyo
Mar hadaan dawarsigiyo looga baxeeyn dandaradiyo
Doonyahana duul isku guriyo doolar laga qaatiyo
Kii  la dareensadana degdeg daadka loo raaciyo
Mar marna huurigu dabagadoomiyo dabadeed degiyo
Moowjaduhu dadka qafaashiyo yaxaaskuna dalqada u ritiyo
Kuwana kaynta lama degaan dugaagu kula diririyo
Qaarna dad qalka ma gafaha dariiqa ka duwadiyo
Qaanbax kumanaan doollariyo dirqi lagaga soo furtiyo
Ama midida ku dibaaxiyo kala baxo ximnaha dareemadiyo
Duuduubka hilibkiyo lafahana dooxada ku daadiyo
Tahriibayaalna dantu badiyo doolaalada dariiqa xuniyo
Dalanbaawga dumarkiyo ragiyo d’ayarta nolol doonkiyo
Dabinka ku dhiciyo saxraawigu la daydaiyo
Dabadeed naftooda lagu duleeiyo ama darxumo loo diliyo
Deelleeyda maansadiyo dib u jaleec wax lagu dawaqiyo
Mid iga daadegi weeydiyo daruufaha dalkeeniyo
Gaajadiyo daleelkiyo halakeeyay dadkeeniyo
Dawaarsigu ka koow yahay dibindaabyo nololxumiyo
Abaaraha is dabajoogiyo docna looga bixiniyo
Iyo nimcada dur durtiyo daa’im  ku shubay degaankeeniyo
Badaheena an deris ka nihiyo deeqdooda dahaniyo
Dunidu u soo jilaab doonatiyo shabaqa daadsatiyo
Webiyada durduriyo dalkeenna dhex maaxiyo
Duunyadiyo xoolihiyo beeraha is wada dul joogiyo
Macdantiyo gaaskiyo dahabka Daa’im noogu deeqiyo
Intaa daliishateye maxaa inoo dan ah lagu dawoobiyo
Dariq toosaniyo looga baxo dawarsigiyo darxumadiyo
Faqriga dalkeenna asiibiyo deriska coloobiyo
Daacad lagu badbaadiyo iga qor deeleey karaankeediyo
Masuulkii la doortiyo oo danta guud Daa’im dareensiiyo
Dablihiyo shaqaalihiyo mushaarkooda la daryeeliyo
Dumarkiyo ragiyo da’yartiyo duqoowdiyo
Dadka dhamaantii duriyad noqdo is wada daadihisiyo
Doc looga soo wada jeesto dagaal ba’anna lala galiyo
Dilaaga afka duuban qaraxana daaimtiyo
Duulkii dabka dhigana dhaqan celin lagu daryeeliyo
Dawladiyo dadweeyniyo la sugo danaha qarankiyo
Diintoo lagu dhaqmiyo deris walaaloobiyo
Daa’imka an barino barwaaqada ina deeqsiiyo
Nimcadu ha dulundulceeyso dalsan degaankeeniyo

AMIIN  AMIIN  AMIIN TORONTO  29/03/2016
COL/ENJ/ ABDI HILOWLE HASSAN

Comments are closed.