Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

DUCIYO DARDAARAN

Madaxweeynaha la doortiyo loo wada dabaaldegiyo
Raisul wasaaraha dalkiyo dawladii la duubiyo
Golayaasha sharci dejintiyo dadka ka wakiiliyo
Dooroonayaal  an daaliniyo daadihiya qarankiyo
Dabaqyo isku duubaniyo daacad u wada shaqeeiyo
Dariqa horumarkiyo nabadgelyo la daaimtiyo
kuwa dalka gaarsiiya damaanad wada noolaashiyo
Daaim Alle idinka yeel dawlad la mahdiyo
Dalkeenana ka dhigtiyo Dubeydii Afrikiyo
Duulka qoraladiyo talooyinka daadihiyana
Ninwalba daliilkiisiyo idiin cabir tusaale diiraniyo
Samatabixinta dalkiyo daganaansha waartiyo
Dariiq lagu gaadhiyo dawladnimo taamiyo
Dardaaran samafaliyo duca Alla bariyo
Waano durdurtiyo digniin hordhiciyo
Daruufaha taaganiyo dadku ka danqadiyo
Dhiiga daadanhaiyo dandarada asalkeediyo
Deg deg idiin soo gudbi ninwalba dareenkiisiyo
Aniguna dardaaraniyo deeleeyda maansiyo
Duciyo waaniyo danaha qarankiyo
Ka daalacda diiwaankayga gabayo diiraniyo
Murti darajo loo soo xuliyo dugsi wadaninimiyo
Tusaalaha dandaradiyo diiftiyo balaayada
Soomaali degaankeediyo waayo daashadiyo
Daafaha coloobiyo dib u walaaloobiyo
Intaasoo isku duubaniyo daacadnimiyo dadaaliyo
Daruufaha adagiyo looga baxo dakanaha ragaadiyo
Daaim Alle idiin sahal xilka laydiin doortiyo
Dawladnimo buuxdiyo kala dambayn saxaniyo
Doroonayaal dalka gaarsiiya daganaansho waartiyo
Dad wada damaashadiyo  duul isu calool furaniyo
Dareenna ka qabiniyo duliga is qarxiyo
Barwaaqo durdurtiyo derisku la fajaciyo
Duulka hayaamiyo dibadaha ku nooliyo
Isku filnaashada la dooniyo darajo lagu gaariyo
Lagaga daydo dawladaha horumariyo
Maamul laga dab qaatiyo dalka Singabooriyo
Xuriyadeeda dawladnimana Soomaali ka dambeeysiyo
Daryeelka dadkeediyo kala dambeeyntiyo
Bilicda daharaheeduba dunidu ka maseertiyo
Rabbi dumistiisa idiinkuma dhibo derbi kasto adagiyo
Daryeelka umadiyo xayira diinta difaaceediyo
Daaimku idiin sahal dariiqa wanaagsaniyo
Durdurka horumarkiyo dadku u riyaaqiyo
Kana digtoonaada duulkan afka duubaniyo
Irhaabigu dagaiyo dabarka ku xidhiyo
Diintiba ka dhigtiyo siduu doonahaiyo
Xarig dan ku gaadhiyo xukun la diriqsadiyo
Daadista dhiiga Muslimkiyo darxumada ku faaniyo
Dadka isku qarxiya daryeela musanaaugiyo
Saxaafadda ka diwangeliyo farta dusha u taagiyo
D’ayartan habawsan wada dubaaqeysan
Daruufaha adagiyo dib u dhaca keeniyo
Daaf kale hadaan u rogo diirada maansiyo
Qaxootigan is dul quban dalkiyo dibadaba
Dumarkan dalanbawsan rafaadka daaimtiyo
Dhalaankan weli la duugin darfaha heeystiyo
Ilmadu daadatiyo duhuriyo layliyo
Dabiibna u haysan cudarada wax diliyo
La dandareeysan duumadiyo shubankiyo
Xanaano dalbaniyo daryeel lala duljoogiyo
Dagaladay ka qaxeen loo soo daadgureeiyo
Dib u dajin hagaagsaniyo lagu wada diirsadiyo
kana digtoonada waxa Soomaali isku diriyo
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Soomaalidooy dayay wanaag idinka doorsoonye
Deeleeydi timacade digniin idinku filaniyo
Bal daaha ka roga dagaalka diintiyo
Dabargoa Ciraaqiyo is dilka shiiciyo sunniyo
Dandarada Baqdaadiyo qaraxyada is daba socdiyo
Dabka ka shidan Yaman dusheediyo
Dalibanle Afqanistaaniyo duubable Pakistaaniyo
Dababadaha wax dumiya dayuuradaha wax duqeeyaba
Dimishqi duleedkeediyo dalka Suuria dacalwalbiyo
Dagaal baa ka jiriyo damiriyo halaagiyo
Dafaha Urdiniyo Dooxada Turkiyo Lubnaaniyo
Qaxootigan daadsan dumariyo caruuriyo
Darxumo laga dhaxal  dagaal diineedkuye
Dilalka qorsheeysaniyo  irhaabiga wax dagiyo
Soomaalina doorka hore dabka ka shiddaaiyo
loo soo daabul darxumadiyo qarixiyo
Bamka la duugiyo meel durugsan laga hagiyo
Qoondo diineedna waa qabyaalad dahsooniyo
Diin islaanimiyo dhiig la daadiyana
Waa labo is diidano dariiq wada mariniyo
Islaanimadu waa dulqaadiyo derisnimo wanaagiyo
Dagaalkiyo darxumadiyo dilka loo adeegsadana
Laga deeyri ninki dhegta u dalooshiyo
Digniin culus yaa Daaimku dul dhigiyo
Danta gaar ahaneediyo sandanada la diriqsadana
Waa dandaro heeysata dawladaha Islaamkiyo
Kuwa dagaalamahaiyo Irhaabigu dul mereeystiyo
Carabtaa is dabargooysiyo Afrikaanka is dilahaiyo
Qaarna ku dayasho mudan kala dambeeyntoodiyo
Daafaha khaliijkiyo Dooxiyo Dubeeiyo
Dawlad wanaagoodiyo daryeelka shicibkoodiyo
Lagu diirsaday deeqdooda dahabka madoobiyo
Bal  daaha ka roga dawlad hanaqaadkeediyo
kala dambayn yey hagtaa sharcigiyo diintiyo
Maxkamado darajeeysaniyo laysku dulminiyo
Eexna iska diida xaqoo la is duudsiiyo
Ciidan isku duubaniyo difaaca daafwalbiyo
Dishibiliiniyo kala dmbayn dagaal u diyaariyo
Dawlad dadkeediyo darajeeysa cadaaladiyo
Dib u dhiska dalkiyo derbigii dumiyo
Mushaarka dablihiyo shaqaalaha daryeeshiyo
Daneeysa danta guudiyo diida tan gaar ahaaneediyo
Darajaduna ku heleeniyo Farmaajiyo ma daalayaashiisiyo
Soomaali kuwa u dorooniyo noqda lagu duceeystiyo
Dadka mideeiyo dawarsigana ka saariyo
Qaxootigan daadsan dalkiyo dibadaba
Daryeel looga baxo diiftiyo abaarihiyo
Waa tan laga doonayo dawladda wanaagsaniyo
Masuulki  la doortiyo ama la duubiyo
Rabbi darajada siiyiyo  sualina dabataaliyo
Daarada Akhirana Daaimku kula xisaabtamiyo
Dadka Soomaaliyeed waa  duriyad isku midiyo
Duul wada dhashiyo isku diiniyo
Dawga lagu hadliyo dayrku isugu xiranyihiyo
kii ku doortiyo ama ku diidiyo
Daafaha Qooqaaniyo Zeeylac dusheediyo
Dooxada u dhexeeysiyo dalkoo idiliyo
Soomaalida daadsan degaanka geeska Afrikiyo
Dumariyo caruuriyo maatida is dultaaliyo
D’ayartiyo duqoowdiyo dadkoo idiliyo
Haatan waa diirkiiniyo duul idiin walaaliyo
Idinkaa duubka u sidiyo hogaanka dawladnimiyo
Waxeey doonayaan daryeel baniadamnimiyo
Darajo gobanimiyo dunida la daadahdiyo
Nabadgelyo la daaimtiyo xanaano dadnimiyo
Barwaaqo lagu diirsadiyo dadkiyo duunyadiyio
Dib hadaan u dawano damankii hore tagiyo
Dawladihii is daba joogiyo ee dalka ka talin jiriyo
Dadka kama haqabtirin macdanta is dul joogtiyo
Dahabkiyo dheemanka ee Daaim nagu manneeystiyo
Duulka teknaloojiyadiyo dalooliyo dulucda dhulkiyo
Deeqda soo saariyo durdurka gaaskiyo
Waxay ku doodeen in Soomaalida dalkeediyo
Deganaansho  ka jirin damaanad hagaagsaniyo
Riibiga geedaha ma daaqo lagamana daaqo
Dowrkoodu noqoy duulkii is dilayiyo
Dad an waxba qabsaniyo dayn ku nooliyo
Dawarsigiyo ka bixin is dabamaryeentiyo
Madaxweeynaha la doortiyo dawladii la ansixiyaba
Dariiqii hore ha marina Soomaali daashadiyo
Kuwa maatida daryeeliyo diinta nuxurkeediyo
Mawjadaha dagalkiyo lagaga baxsado duufaanadiyo
Donnidii nabi Nuux dadku ku mataliyo
Daaim Alee idiinka yeel doroonayaal lagu duceeystiyo
Dadka Soomaaliyeedna kuwa isku duubaniyo
Difaacda dantoodiyo dawladnimadoodiyo
Dul Jaliilku idinka yeel duul walaaloobiyo
AMIIN    AMII
N     AMIIN

COL /ENG /ABDI HILOWLE HASSAN

Comments are closed.