Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

GURMAD

Guubaabadiyo gardaadiskiyo gebigeed mansiyo
Beryahan wan ka g’oay gabay araartiiye
Geeraariyo ma tirin murtidiii garashada dheereede
Abaartanse gaaf marka ahi hadii lala wada guuxay
Gelinkanina Soomaalidu gacanteeda hooseysiyo
Geedahana hoos jiiftiyo gargaar dalbaneeysiyo
Gami waayey hurdadii waana garwaaqsadeye
Goorta in la joogiyo gidi lays wada gilgiliyo
Gacalxigeenkuna garabkiisu ugu gudboonyihiyo
Gurmadka abaareedna garasho dheeraadyihiyo
Gacaltooyo la gudboon garaadlaha adamihiyo
Gacantii  gargaartana guule ka abaalmariniyo
Balse an idiin soo gudbiyo galiilyadiyo guhaadiyo
Omamkan is gaar gaariyo gohayda gooriyo ayaaniyo
Gobalada an isu gurmaniyo abaaruhu g’odoomiyo
Gacalkeena gaasiraniyo ilmadu gabaxleysiyo
Hooyada golon goshiyo goxosh madoobatiyo
Gabanadeeduna gareeskeediyo geseheeda ka lushiyo
Gaajadiyo haraadkiyo gabagabada la gaafwareegtiyo
Gacanteeduna gasiinkiyo ku jirin miro la gogoostiyo
Gebista la dhodhobiyo gawska wax la saariyo
Goorwalbana meel gawriirtiyo ishu galacleeysiyo
Ama geesaha u gucleeysiyo ka googobto af gashigiyo
Gocashadana waxaa ka daran mid goor dhaw gablantiyo
Gacalkeeduna goediyo gaadadeeda gilgiliyo
Gogon caniyo jidiin ka goobaiyo
Giirki xooladna abaartu gumaadiyo
Gasadii soo gaariniyo in badan gofafka ku g’oiyo
Qalfoof kala gidisanna goobwalbo gawriiriyo
Gugiyo dayrtiina an godlaniyo gudgudaha roobaadiyo
Galalkiina gureeniyo webiyadii guuxi jiriyo
Galawga baryadiyo war naga soo gaaridiyo
Nagala soo gudboonaato dharaartii gashiyo
Gariisiyo Gediyo gobalada Bayiyo Bakooliyo
Gaafaha shabeeliyo webi ganaaniyo
Xamar gonyeheediyo ilaa Hobyo godaniyo
Galguduudiyo mudugiyo geesaha bariyo
Geyiga Soliyo Sanaagiyo waqooyi galbeediyo
Gobolada Soomaalida Dhagaxbuuriyo Godeeiyo
Abaartaa lagu g’oiyo ee geyigeena hareeysiyo
Balse godka an la rabiyo hadaan u gudbo
G’da maansiyo gacal baraarujintiyo
Tilmaantana ku godo Kuwa ugu gudbooniyo
Gacanna ka geeysan kara gulufbaxa abaareediyo
Heeystana genigiyo gogo’ lacageediyo
Is garabsatada Soomaaliyeed ee galbeedka Yurubtiyo
Geyiga mareeykankiyo geesaha kanadiyo
Guud ahaan dunidiyo kii la soo gurman kariyo
Gargaar deg degiyo hiilo gacaltooiyo
Goorta ugu gudboona garashadeed joogtiyo
Gudoomiyahana Guterees ee golaha jimciyadiyo
Guday xikiisi gurmadka abaareediyo
Gamaahiirtana soo kormeer geyiga Soomaaliyeediyo
Gooheydana soo gacanqaad guutooyin dhibaniyo
Gasiinn laantu gubtiyo gabadanada macluushiyo
Matida garabka sugtiyo ishu galacleeysiyo
Gudiyada gurmadkana kanadiyo gobaladeediyo
Guudahaan Mareeykankiyo garahaan Minasootiyo
Waa kuwa soo guri kara gunad lacageediyo
Milyano iyo gogo’ gargaar lagu gaaja bixiyo
Wax garadkana isugu geeyn kara goobo xafladeediyo
Abwaanadana gala kanadiyo ina Xassan Geneeiyo
Geeraariyo ka tiriyo gabayo gacaltoiyo
Suuganta gilgishiyo qalbigu godladiyo
Guubaabiyo garnaqsigiyo loo wada guuxiyo
Murti garasha dheeriyo taarikhda gashiyo
Gurmad an loo kala hariniyo loo wada guntadiyo
Umadan gaasiranna garbaha la qabtiyo
Gelinkana la gaarsiiyo gallada isku filnaashiyo
Geesleyda guunyiyo la badbaadiyo geeliyo arigiyo
Abaartana goa loo gimbiyo noqoto shalan ka guurniyo
Kala garasho wacan dawladahana gobanimo yeelkeede
GuuleeystahaTurkigiyo Ingriiska an gambaniniyo
Durbaba gargaar laga galiimiyo gurmad deg degiyo
Milyano geniyo macaawino kala gidisaniyo
Mahadi ha ka gaarte gidi inta soo gurmatiyo
Balse  gabay araartiiyo hadaan galac lair ku ifiyo
Gafka adaamihiyo gablamaha gulufka abaareediyo
Gudinta dheer midka garabaka ku sitiyo
Geedaha Guriyo gogooiyo is garab dhigiyo
Gubiyo jawaanada ku guro dhuxushiyo
Doonyo gorada buux dhaafay badaha la gooshiyo
Carabtana u iib geeiyo geni lacageed ka gurtiyo
Garaadlaawahaa guushiisu tahay nolasha gadantiyo
Gugiyo dayrtiyo an godlaniniyo gudgudaha robaadiyo
Dawlad goboleedyada an maxkamad gain gaasirahana
Dimbigaa gacan ku yeeshiyo masuuliyadana an gudaniniyo
Geestana ka mara garashadiyo danta guudiyo
Dunida gagambataye bal akhirana geddaada geliyo
Ogoow in guunya raadiska gelinka noloshiyo
Gucla orodka an garaadku taliniyo
Nabaad guur sababiyo abaar lagu g’oiyo
Gelinka akhirana gadaal raac jiriyo naar la galiyo
Guubaabada gudbooniyo ma garwaaqsatay gacaldigidiyo
Ku soo gunaanaday gurmadka maansiyo
Guulahana ha ina garadsiiyo gafka horaantiisiyo
AMIIN  AMIIN  AMIIN  Inj col  ABDI HILOWLE HASSAN    16/03/2017

Comments are closed.