Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

Qalinraacato

QALINRAACATO
Qalinraacato la halaagiyo dabandaabyo qaran waa maanso an curiyay 4/May/2012 kana hadleeyso qaraxyadii nabadiidku ka geeysteen geeska Afrika
maqal wanaagsan

Qodobka maansiyo qowlka abwaankiyo
Qasadka ujeedkiyo hadba sidaad u qotomisiyo
Isu qabataa murtiduye ugunaa qushuucaan dadkuye
Tanina qiilkeediyo ujeedkeeda qayaxan
Waa *qaracaniyo xanuuniyo mid xambaarsan qomamiyo cile
Qalinraacato la halaagiyo dabandaabyo qaran
Waa maanso qabyahoo qiilkeeduna ma dhamaan
Inta qaraxyadu socdaan aduunyadana an qaadir ku ahay
Qiso murugiyo yaab leh yaan soo qadimayaaye
Walaal qaranoow qumaati u dhageeyso
Ishaaduna* ha qabato Qabarka naxdinta lehiye*
Qaran dadkiisi naxariisdaro loo qashiyo
looguna qubeeyay dhiigii laga qubiyo
Wijigii qariyihii qasqaastaa geeystayna
Qadirin kaa rabiyo inaad qarash ku taageerto
Soow* qaadanwaa maaha iyo qorsho ibliis dajiyo*
Qumbulad lagu qariyay qashinkiyo derbiga
Misna qabsatay qolyihii nadaafadiyo
Saqiir cayaar u soo qumay taxadirna qabiniyo
Qasqaastiyo dabinka qoomka afka duubaniyo
Qaracankiyo* fajaca ilmadu qubato qoomamiyo cile
Dabkii la qabadsiiyay Qaliraacatadiyo
Qolyihii ku sugnaa Qaybtii hargihiyo saamaha
Qaran dabandaabyadiisiyo Qasdi loo halaagiyo
Qorsho soo soocdiyo Irhaabiga qoondadiisiyo
Qacda holiciyo Moowjadaha is qabsadiyo
Qaacidada* falkeediyo Qolyaha afka duubtiyo *
Qaybihii hordhiciyo Qasqaastii Hiiraaniyo
Lagu qarxiyay kuwa qiima wayniyo
Halgamaa* qaran Cumar Xaashiyo qaar kaloo qaaliyo*
Qumbuladii shaamoowiyo qafaalatay ardadiyo
Kuwa qaayo badan Caddoowiyo Qamariyo Waayeeliyo
Qaar kaloo* iyana ku qaaliya qaranka Soomaaliyeediyo*
Qasadkii guracaniyo loo qarxiyay Hargeeysiyo Boosaasiyo
Qorshihii afartii Octoobar Qaranka lagu naafeeiyo
Ardadii dabka la qabadsiiyo xoogsato qaraniyo
Qaracankiyo dhimashadu dhaawaca is dhex qubtiyo
Qasaaraha na gaadhiyo laga wada qoomameeiyo
Qarixii masraxa dhiiga lagu qubiyo
Qaacidada* falkeediyo qarandiidku sahliyo*
Gabadh qumbulad loo soo xiriyo qorsho sheeydaaniyo
Qafaashay bir ma qabatiyo rag qiimo wayniyo
Qabanqaabiye Moowliidiyo mudane la wada qadirinjiriyo
Madaxdii qooyskii spoortiga qaraniyo Wiishiyo Siciidiyo
Kuwa qabarliyo qabsaday dabkiyo
Qalbiyada* ololiyo qoomamiyo qaracane*
Qarixii Baydhabo ee suuqa qudaartiyo
Lagu qaarijiyay xoogsatadiyo haween qabarliyo
Qunsanayay dantoodiyo qadafna geeysaniyo
Qoomka afka duuban qadirin noolihiyo
Qaracanka soo waarida qaatul walaaliyo
Qorshaha* sumeeysaniyo musiibada qaraniyo*
Qaraxooduna ma dhamaan iyo qasqaastooda guracane
Dhusamareeb ayay la qabteen qacdiyo halaagiyo
Qooriyo xeralaawe qalbiga laga rogiyo
Qubxi lagu shubiyo muqadaraadka nafta qaribiyo
Laguna qodbay waxyaabaha qarxo
Yaay* dhex qotomiyeen miisaaskii qadadiyo*
Qumbuladuna Seraariyo qafaalatay Cabdi weliyo
Mudanayaal la qadirin jiriyo ee golihii qaraniyo
Qaar kaloo* u heelanaa qorshaha badbaadintiyo*
Qabar kalena la soo tabi qaracaniyo gumaadkiyo
Naftii qasqaase hagayo gaari qumbuladeeysan
Yaa Isku qarxiyay nawaaxigii masraxa qaraniyo
Qorshahana* lagu halaag kuwa qabarliyo*
Qaabsami u saarnaa basaska dadka qaadiyo
Qadafna geeysaniyo qacda la kulmiyo
Qaraxa*irhaabigiyo qasqaasta guracaniyo*
Maxkamadii qaranna weerar lagu qotomi
Qaacidada falkeediyo qafladda sheeydaaniyo
Qaarbaay soo abaabuleen qalbiga laga rogiyo
Markii qasnaddii ka maratiyo risaastay qubayeeniyo
Isku dhex qarxiyay qareenadiyo shicibkiyo*
UNDP dii qaruumihiyo qaranka cawinaysana
Qaarbaa la beegsaday qarax hordhiciyo
Qacda weerar xigiyo dagaal qorsheeysaniyo
Qoomamkii naftooda qasqaasi jirayna
Qayb qayb bay noqdeen mid qudhana ka dalaciyo
Dadkuna qaadanwa qasaaraha qurbaxa iyo dhaawiciyo
Musanaawgu la isla dhex qaad qalalaasaha argagixiyo
Qaracanka ummaddiyo jiriricada is qabsatiyo
Irhaabiguna qosol laga soo wari farxad qaasiyo
Qasqaastu* maleegiyo Qaadirna xarimiyo
Qafaalatay xoogsatiyo Askari qaraniyo
Kuwa qabarliyo ku qufulan baabuurtoodiyo
Kumayal*risastu qabsatay qiyaas beeshay dhimashadu*
Dhaawaca is dul quban Lagala quustay qaadisiyo
Dhiigbaxa loogu qurbaxay Wadada qarkeediyo
Inkastoo halaag la qabadsiiyay qolada afka duuban
Magaalooyin badaanna isaga qulqulay qawleeysatadiyo
Qaalaama rogadkoodu ma dhamman iyo qarbudaadoodiyo
Qaarbaa weeraray madaxtooyadiiyo golihii qaraniyo
Jabuutina qudheedu kama badbaadin qarixiyo halaagiyo
Lamaane qalbiga laga rogay yaa isku qasqaasiyo
Sababay dhiiga qulquliyo qurbixiyo dhawiciyo
Qaar an balaayaba qabin bukaan jiif kala qayb dhigiyo
Soomaalaay* qumo toos Qalibantay noloshuye*
Qiil dambe ma hadhiniyo Diintoo laysku qaldiyo
Qaabiil loo kala saftiyo Dhiig lagu qubiyo
Qaarba* gees u dareer Waana kala qubateene*
Qalbi ololka shicibkiyo Qarankii ilmeeiyo
Soomaalina qarnigan Cudur qaas yaa heliyo
Kansar qaabdaraniyo Qolyaha afka duubtiyo
Qiyaas* Talibaaniyo xambaarsan qaatulnimiyo*
Qeeydad xiran bamkiyo Waxyaabaha qarxiyo
Laguna qodbay waqtiga Qasaaruhu badanyihiyo
Qurbaxa iyo dhaawucu quluubta rogiyo
Qabsaday qabarlaawaiyo Suuqyada la qubanyahiyo
Qorsho* irhaabi dejiyay Ersay qarankuye*
Muslinimo qoom sheegtiyo Naftana qiimeeyn
Qoortaba ka jara Qaar ashahaadanaiyo
Qofna u naxeeyn Waayeel an qumi kariniyo
Hooyo la qaadaadhacsan Qax iyo abaariyo
Quudi kari weeyday ubadki Qaarki u hariyo
Ilmadu* qubato qoomamiyo qaracane*
Dadkuna qaar Mansab la qumanyihiyo
Dhagar qabaha irhaabigiyo qolyaha afka duubtiyo
Dadkana la qosla Wanaag is qabadsiiyo
Qaraabada ka mid ah Qolna kula Qadeeyiyo
Kolna* wejigooda qariya Qafladna kugu diliyo*
Qaraxa baruudiyo Qalalaasaha argagixiyo
Dhiiga qubanhayo Qaar an ka damqino
Qaladba u arkino Kuna qiirooda balaayada
Qoowleeysato quman yaa qaybtooda ciidano
Qaxootiga haajiray Xeryaha qubaniyo
Dadka quudiya kuwa qaflad u dhigtiyo
Qaanbax ka hela Ama qoortaba ka jariyo
Boqolaal qaribanoo Waalidkood ka qaxayo
Dadkana* isku qariya Qaatul walaaliyo*
Qoom musiibahiyo Qabuuraha qotiyo
Meeydka soo qufiyo qalbi naxa laheeyniyo
Qaran hogaankiyo Qaaidnimo Islaamna
Qasdi ka haiyo qaar salad ku jiriyo
Masjidka* qaadirna qaraxoodu gilgiliyo*
Qodobadaa an is qabanna Qoorta u suraniyo
Markay baaruudu qaraxdo qalalaasaha argagixiyo
Qaar meeydiyo is dhex qubto dhaawiciyo
Quluubtu holacdiyo qaracankiyo jiriricadiyo
Musanaaugu is qabsado Wada qandhoodo dadkuna
Qoomkaagan afka duuban Qosol iyo rayn rayniyo
Farxad la qiiroota Qaadiro ku gu baahdaaye
Weliba* saxaafadda u qeeybisaa dhiiggaad qubtiyo*
Qodobadaas tixaniyo Qaar kaloo badanna
Waa labo an is qabanoo Qoorta kuu surane
Culimada wada qirtay Qofwalbana sheeg
Islaamku qaabkaa mahee Qaldanoow afduubkiyo
Qiil dambe ma hadhiniyo Qabri la faagtiyo
Qiyaamana Dhiigaad qubtiyo Qaantaad gashiyo
Qaadir Alle* xisaabtii Looxa kuu gu qorane*
Weji la qariyo Qaan la is diidsiiyaba
Qabriga suaashiisa Qofwalba u taagane
Qaatul gardarani Qaadir ma cafiyoe
Qaldanoow* irhaabiyoow Qodobkaa ogoow*
Aduunyadana qaybteedi wabayo qasatiyo
Qaar kuu ciil qabiyo qaxar ad badiyo
Qalabka dagaalkiyo dabaabadaha qulqula
Soo hegeeystay* qoragiyo basuukaha wax qarxiyiyo*
Qodobgooyntaadii ku hoowlan iyo quus lagu badiyo
Wixii qalqal wada qaatulnim iyo gumaadna
Rabboow naga qabo kuwa dhiiga ku qaraabtiyo
Musiibo an lala qabin gidi wada qabsatiyo
Qaraxa* an dhamaan qasqaastoo ku wareegtiyo*
Qoomamkii la halaagay qaybtooda ka yeel
Soomaalina qalbiyo is jecel qaar walaaloobiyo
Nabadgeliyo la wada qabo qaranimo noogu deeq
Qaadiroow* Rabboow barwaaqo noo qulqulii*
AMIIN AMIIN AMIIN

2 comments to Qalinraacato

Leave a Reply

 

 

 

You can use these HTML tags

<a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*