Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

Dandaro

Nimba dooqiisiyo delleeyda maanso
Daliili hadba daawgu siduu yahaye
Dareenkanna  waa dandaradan taaganiyo
Dadkan la bahdilay cidina u doodeeynin
Danqashaduba waa gobanimee ma dareentay
Diiftiyo abaartiyo qaxan is dabayaalo
Dabkan shidan waayo la damin kari waayay
Dulucda gabayga hadaan dib uga faaloodo
Dabkeeda shidaniyo dandarada asalkeeda
Kuwa dila muslimka dabadeedna gaaleeya
Xaqa duudsiiya dugsada gardaradana
Duufsada d’ayartiyo duulkaan lahaayn
Aqoontiyoo diintiyo dareen wadaninimo
Dhiiga daadistiisiyo xalaashada dulmigana
Dunida kuma cusbee way soo daahiri jireene
Dadkii dayacaniyo doc wareemi jireen
Dalkaan  dawladnimo adagiyo lahaayn daganaanshoe
Waa kuwii  abiidaalibiyo dilay duul asaxaabahe
Dadkii dabacsaniyo  duufsadaan d’ayartiyo
Dilka u  tababaraaniyo dhiig la daadiyoe
Damacooda waalaniyo dantooda guracanna
Waa dano irhaabiyo mansab la diriqsadoe
Diir naxa malahiyo damaq Islaanimoe
Soomaalina dawgan doc sahlaniyo
Daadkuba ka soo gal aqoondaro baahsaniyo
Qabbiil laysku diliyo deris wada coloobiyo
Digniinti Timacade dib loogu fiirsaniyo
Deleeydii wacneeyd deeqdiisi murtidiyo
Labo bayd hadaan soo dalishado dulucda ujeedkiyo
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Soomaalidoy dayay wanaag idinka doorsoonye
Mid ka daran waa is deldelka dunidu la fajacday
Irhaabi dalanbaawsan soo daabulatay adiguye
Dalkiisina soo gubiyo duunyadiisiiba
Dayuurado  ku yimid dooniyo laashashe
Darin u fidiseeniyo  gacmo la daadihiyoe
Dugsiyo u furteen  degmooyin badane
Dantiisiyo u daryeesheen  siduu doonahaiyo
Isna ma daahine dabkiisi shidayaye
Dadka u tababar damirkiyo halaagiyo
Bamka la duugiyo meel durugsan laga hagiyo
Deg deg u abuur duul musiibahiyo
Qabuuraha dumiya dandareeya meeytadana
Dadka goowraca dhiiga daadanhayana
Durbaba ku faanoo saxaafadda ka diiwaangeliyoe
Kansar dadbaniyo diif laga dhaxal
Qalinkana ku  duug dabargooynta nolihiyo
Dadkoo la isku qarxiyo dhiigoo la daadiyo
Dabargoa shicibkiyo Dalibaan dhaxalkiisiyo
Markuu dalkiisi soo gubiyo duunyadiisiiiba
Darxumo u  abuur dadka soomaaliyeedna
Dukum daakumiyo dandaro baahsaniyo
Kuwa afka duubtiyo diir naxa lahaayniyo
Dugaagna  taba bar duul wax halaagiyo
Doorarka  gumaadkiyo duliga is qarxiyaba
Darxumo  laga dhaxal diiftiyo abaartiyo
Suaal diiraniyo dood hadaan ka furo
Dawlad wax hanatiyo dalkoo nabada
Dariiq  lagu gaadhiyo  danta guudiyo
Gartii kaa daadegtaa lagu dawoobaye
Dulmi cadiyo lamana daysan karo
Been  dadbanoo marana  ku daahneeyne
Mid ku dilahayoo  dhiigaaduna damqin
Wixi lagu dawoobiyo xaqa is diidsiiyaba
Dandarada ka shaqeeya diiftiyo balaayada
Muslinimo daah koriyo  dan ku gaariyo
Daacadna ahaayn dadka ku maquuniya
Diin islaanimiyo dhiig la daadiyana
Waa labo is diidano dariiq wada marine
Dadka Soomaaliyeed duriad isku midiyo
Duul wada dhashoo isku Diiniyo
Dowga lagu hadliyo dayrku isugu xiranyahay
Misana isu wada duday is wada dilay
Doodan la dhex dhigiyo dilkiyo colaadiyo
Shartan duduuban daahna lagu shareerino
Dabar goa  dukum daakumkiyo halaagiyo
Dulli laga dhiidhiyo dareen isku midiyo
Dar Ale lagu heshiiyo duul walaalo noqdiyo
Dagaal gobanimo dabka loo qaadiyo
Irhaabigan daamuray duulkan afka duubtiyo
Dalkiyo diintaba dib looga xureeiyo
Doc looga soo wada jeesto ayaan doonahayn
Ma qabyaalad is diidaniyo qoonda diineedba
Mise dawlada shisheeyoo ku daneesto  musibadiyo
Waa suaal d’aweeynoo diiwaanka Soomaaliyeed
Ku dul qoranoo dadkuna is weeydinayae
D’ayartan habawsan  wada dubaaqeeysan
Irhaabigu dagayoo dabarka ku xidhiyo
Duul habaaraniyo dadka wax qarxiya
Cidina daynahayne dumar iyo caruuriyo
D’ayartiyo duqoowdiyo dadkoo idilba
Dalkuba eersay  duulkan afka duubane
Soomaalaay danqoo toos  iska deji heeryadana

7 comments to Dandaro

Leave a Reply

 

 

 

You can use these HTML tags

<a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*