Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

DHAMBAAL DAWLADNIMO

Madaxweeynaha la doortiyo dawladii uu xushiyo
Dadka qoraaladiyo talooyinka daadihiyo
Samatabixinta dalkiyo daneeya daganaanshiyo
Dariiq lagu gaariyo dawladnimo taamiyo
dardaaran samafaliyo duca Alla bariyo
waano durdurtiyo digniin hordhiciyo
daruufaha taaganiyo Soomali ka danqatiyo
dhiiga daadanhaiyo dandarada asalkeediyo
ninwalba daliilkiisiyo idiin cabir tusaalo diiraiyo
Aniguna dardaaraniyo deeleeyda maansiyo
duciyo waaniyo danaha qarankiyo
murti darajo loosoo xuliyo dareen wadaninimiyo
tusaalaha dandaradiyo diiftiyo balaayada
Soomaali degaankeediyo waayo daashadiyo
Daafaha coloobiyo dib u walaaloobiyo
intaasoo isku duubaniyo dhambaal dawladnimiyo
Dakane iyo Danqasho gabayo diiraniyo
ka daalacda diiwaankeyga Hilowle dot.com
Daaim Alle idiin sahal xilka laydiin doortiyo
Dawladnimo buuxdiyo kala dambayn saxaniyo
Doroonayaal dalka gaarsiiiya daganaansho waartiyo
Dad wada damaashadiyo  duul isu calool furaniyo
dareenna ka qabiniyo duliga is qarxiyo
Barwaaqo durdurtiyo derisku la fajeciyo
Duulka hayaamiyo dibadda ku nooliyo
dumistiisa Rabi idiinkuma dhibo derbi kasto adagiyo
Daryeelka umadiyo xayira diinta difaaceediyo
Dul jaliilku idiin sahal dariiqa wanaagsaniyo
Kana digtoonaada duulkan afka duubaniyo
Irhaabigu dagayoo dabarka ku xidhiyo
Diintiba ka digtiyo siduu doonahaiyo
xarig dan ku gaadhiyo xukun la diriqsadiyo
daadista dhiiga Muslimkiyo darxumada ku faaniyo
Dadka isku qarxiya daryeela musanaaugiyo
Saxaafadda ka diwangeliyo farta dusha u taagiyo
D’ayartan habawsan wada dubaaqeysan
Daruufaha adagiyo dib u dhaca keeniyo
Daaf kale hadaan u rogo diirada maansadiyo
Qaxootiga is dul quban dalkiyo dibadaba
Dumarkan dalanbawsan rafaadka daaimtiyo
Dhalaankan weli la duugin darfaha heeystiyo
Ilmadu daadatiyo duhuriyo layliyo
Dabiibna u haysan cudarada wax diliyo
La dandareeysan duumadiyo shubankiyo
xanaano dalbaniyo daryeel lala duljoogiyo
dib u dajin hagaagsaniyo  nafluhu dooniyo
kana digtoonada waxa Soomaali isku diriyo
dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Soomaalidooy dayay wanaag idinka doorsoonye
deeleeydi timacade digniin idinku filaniyo
bal daaha ka roga dagaalka diintiyo
Dabargoa Ciraaqiyo is dilka shiiciyo sunniyo
dandarada Baqdaadiyo qaraxyada is daba socdiyo
dabka ka shidan Pakistan dusheediyo
dafaha Afqanistaaniyo Daliban dhaxalkiisiyo
dababadaha wax dumiyo dayuuradaha wax duqeeyaba
Dimishqiyo dalka Suuria dacalwalbiyo
dagaal baa ka jira damiriyo halaagiyo
Dafaha  Urdiniyo Dooxada Turkiyo Lubnaaniyo
qaxootiga daadsaniyo dumariyo caruuriyo
darxumo laga dhaxal digtatooriyo falkiisiyo
Soomaalina doorka horiyo dabka ka shiddaaiyo
loo soo daabul darxumadiyo qarixiyo
bamka la duugiyo meel durugsan laga hagiyo
qoondo diineedna waa qabiil dahsooniyo
diin islaanimiyo dhiig la daadiyana
waa labo is diidano dariiq wada mariniyo
Islaanimadu waa dulqaadiyo derisnimo wanaagiyo
dagaalkiyo dhiiga lagu daadiyana
laga deeyri ninki dhegta u dolooshiyo
digniin culus yaa Rabi dul dhigiyo
Danta gaar ahaneediyo sandanada la diriqsadana
Waa dandaro heeysata dawladaha Islaamkiyo
Carabtaa is dabargooysiyo Afrikaanka is dilahaiyo
daaha ka roga dawlad hanaqaadkeediyo
kala dambayniyo hagtaa sharcigo la daryeeliyo
maxkamado darajeeysaniyo laysku dulminiyo
eexna iska diida xaqoo la is duudsiyo
ciidan isku duubaniyo daryeela xukunkiyo
dishibiliiniyo kala dambayn difaac adagiyo
dib u dhiska dalkiyo derbigii dumiyo
dawlad dadkeediyo darajeeysa cadaaladiyo
mushaarka dablihiyo daryeesha shaqaalihiyo
daneeysa danta goodiyo diida tan gaar ahaaneediyo
Qaxootigan daadsan dalkiyo dibadaba
daryeel looga baxo diiftiyo abaarihiyo
Waa tan laga doonayoo dawliga soomaaliyeediyo
Xassankii la duubiyo  Rabbi darajada siiyaiyo
dadka Soomaaliyeed waa  duriyad isku midiyo
duul wada dhashiyo isku diiniyo
Dawga lagu hadliyo dayrku isugu xiranyihiyo
Kii ku doortiyo kii ku diidayba
Daafaha Qooqaaniyo Zeeylac dusheediyo
Dooxada u dhexeeysiyo dalkoo idiliyo
daafwalba geeska Afrikiyo Soomaalida daadsaniyo
dumariyo caruuriyo maatida is dultaaliyo
D’ayartiyo duqoowdiyo dadkoo idiliyo
haatan waa diirkaadi iyo duul kuu walaaliyo
Adaa duubka u sidiyo darajo dawladnimiyo
Waxeey doonayaan daryeel baniadamnimiyo
darajo gobanimiyo dawladnimo hagaagsaniyo
Nabadgelyo la daaimtiyo xanaano dadnimiyo
barwaaqo durdurtiyo dadka u sinaniyo
deeqda  patroolkiyo macdanta dul joogtiyo
dahabkiyo dheemanka Daaim nagu manneeystiyo
damankii hore tagay dawladihii dalka ka talinjiriyo
dadka kama haqabtirin deeqda baddiyo berigiyo
duulka teknaloojiyadiyo dalooliyo dhulkiyo dhagaxiyo
dahaabka soo saariyo deeqda macdantiyo
waxay ku doodeen in Soomaalida dalkeediyo
deganaansho  ka jirin damaanad hagaagsaniyo
riibiga geedaha ma daaqo lagamana daaqo
dowrkoodu noqoy duulkii is dilayiyo
dad an waxba qabsaniyo dayn ku nooliyo
dawarsigiyo ka bixin is dabamaryeentiyo
golaha la doortiyo dawladii uu ansixiyaba
dariiqii hore ha marina Soomaali daashadiyo
Kuwa maatida daryeeliyo diinta nuxurkeediyo
mawjadaha dagalkiyo lagaga baxsado duufaanadiyo
Donnidii nabi Nuux dadku ku mataliyo
Daaim Alee idiinka yeel doroonayaal la mahdiyo
Dadka Soomaaliyeedna kuwa isku duubaniyo
Difaacda dantoodiyo dawladnimadoodiyo
Daaim Alle idinka yeel duul walaaloobiyo

AMIIN    AMIIN     AMIIN

Leave a Reply

 

 

 

You can use these HTML tags

<a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*