Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

Dareen

                                                DAREEN

Hadii an dareenkayga cabiro gabay deelka qabadsiiyo iyo daruufaha tagan
Daltabyeeysiga  nala durgiyo diifta na cunsiiyay 
Dibad jooga nagu raagiyo malahaa ka cayaaray doorkiisa
Dal dhaxalwareegiyo dadkuna qaxoti xeryaha dul tuban
Umad daleelka la dhigiyo dugsina u cayman
Dulucda dareen gabay dood hadaan ka furoe
Duulkan soo haajiray mooryaan dineedkuye
Dadkan isu wada duday ama is wada dilay
Dabkan la damin waayay afada durugtiyoe
Duufaan wax gubtiyo durbaanka colaadiyo
Dagaalkan sokeeyiyo dadkan wada haajiraye
Dhiiga durdurahayiyo daqarada risaastiyoe
Dacal iyo daafkastana dunidii saameeyey
Ilmadan daadatiyo baroorta dumarkiyo
Dirirta iyo colaadaha dadku ku hoobtiyoe
Duulkan wejiga duubtay ama is muuqdooriyay
Dagaalkana sii huriyay iyo fitno an damine
D’ayartana inta mandooriyeen hadana ay duufsadeene
Diinta laga been sheegay ee lagu dagaal galay
Musiibadan afka duuban iyo duulka ay soo waaritenba
Dabargooynta doorarkiyo soomaali is wada dooxatiyoe
Dantuna tahay dal dhaxal wareegiyo
dad an waxba u cayman dumar iyo caruurbae
Dibadana daadsanoo welina  dabinna u qoolane
Hadana Laba kala durugsan baa u deris ah mooryaandiineedkuye  
Dusha sare inaad islaam diirka uga egtahay
Ayadoo daliiliso iyo wacdi diineede
Ilmadana daadisoo dar Alo an ahayne
Dabin maleegto duhur iyo layle
Doorarka disho iyo dad aqoonede
Daleelka dhigto dumar iyo caruure
Bamka wax dumiyo miino duuge noqotaye
Dumarkii laysay loo diray nadaafadae
Dubatay duqoowdii hiiraan iyo dabaaldagii jaamacadabae
Duufaan wax halaagtiyo dabargoyso doorarkiyo
daafta kala raacday dadkiyo dhane
Dardar gelisay nacaybkii dadka iyo nacalad daaimbae
Darajoo dheeraatay munaafaqii diintu shegtaye
Intaad dhiig ku soo dabaalataad daah isku  rogtaa diineede
Weliba ayado daliilisaa wacdi ilmada daadisaaye
Duufsataa caamada dab ku shidaa dumarkabae
Daaimoow Ale se wuu ku daawanoo waxba kama dadnae
Suxufigii dibnihiisa ka sheega Waxaadan doonayn
Dalka ka carar ama dubatayoo
Gowrac dhegta dhiiga u daartaye
Dooda la yaabka leh hadaan idin dareensiiyo
Hortaa yaa ku doortayo doowlad kaa dhigay
Adaa madaxa duubtayoo is dalacsiiyaye
Kuna dooday doowlad islaama daacadna noqonayne
Damiirlaawe tuuga iyo irhaabi dibjira
Aday ku hayaan duubka iyo dabarkabae
Markuu dalkiisi soo gubay iyo duunyadiisiba
Ma dareemin adiguye dakanaha damaciisa fogaadaye 
Soomaalina ku dar weeyaan dantiisuye
Dal lumay calankiisina la duugay
Soomaalina dib u sheeganoo Argagixiso u diiwaan gashan
D’ayarteeduna ka tahay daraawishti irhaabigae
Dal an la kala lahayn dunidana ka xayiran
Dad wada dubaaqaysan dagaal layskaga horkeeno
Laysku wada dabargooyo hadba doc lo qumiyoe
Shartan duduuban hadana lagu shareeray daaha
Laguna daboolay camaamad diinedku
Ma dareentay soomaali fitnadan  dadbanii 
Waa suaal d’aweeynoo dadku is weeydinaye
Dagaal ogihii dadku wada edeeyn jiray
Mid ka daran baa haatan soo dagaye
Dunidii afay mooryaan diineedkuye
Daraawiish qumani jebisoo ducaysani
Duufaan wax halaagtiyo dabargoyso qomkani
Daaimoow ka dul keen duulkan habaarani
Dadka soomaalina ugu deeq doowlad caadilahe
Diinteda islaam dadku mahdiyaan laguna diirsadoe

1 comment to Dareen

  • Para comprender la naturaleza de este tipo de literatura, debemos tomar en consideración su contexto histórico, quiénes y de
    qué forma los propagaron, cuál es su sentido y para
    qué sirven; y finalmente, sus características generales,
    con ejemplos de cada uno de los textos.

Leave a Reply

 

 

 

You can use these HTML tags

<a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*