Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

XAQ SOOR

SAX IYO MAAN
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
In qalinku  siraad yahay jahligu mugdi siman yahay
Samafalku xalaal yahay sabarku aflax yahay
Xaq dhoowrku suuban yahay nolosha salkeed  yahay
Sadbursigu xaraan yahay xaq soorku galad yahay
Tafaraaruqu silic yahay wada socodku guul yahay
Suxufi beeleedku sawaceeniyo ka daran yahay siica daacuunkiyo
Is weeydaaris sax iyo khalad  sifaxumo jigraar yahay
Qabyaaladu sun tahay siyaasad jahawareeris tahay
Sakhrad maanka doorisiyo sama diidku sacabkiisu tahay
Sifaha mujtamaca lagu qaybiyo silic lagu faano tahay
Safba safka qabiilka kale samihiisa xumaan yahay
Xil sidaha haybtoodana sidiisaba  ceeb ka saliim yahay
Si kastoo sibir walaaqiyo hoog salkii yahay
Haddu samafale yahayna bardu safka qabiilka kale
Si dadban u aragiyo xumaan socoto u yahay
Saxariir mid soo waaridiyo surmiyo abaar yahay
Muriqii laba suulliyo samo iyo xumaan sandanadu tahay
Sareeyuhu siduu ka yeeliyo seef laba afla tahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
In sinjigaadu mid qudha yahay saman soo jireen yahay
Sabiyo wada dhashiyo sokeeyo isu wada tahay
Sullankaada Soomaalinimiyo suuraddaadu mid soocan tahay
Sina u kala maarminiyo sabadaadu mid isku xiran tahay
Taarikhda soo jireeniyo  dhaqanku mid siman yahay
Islaanimadu sax iyo khalad ugu kala sifoon yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
Anfaca  Saatirkiyo  in sadku wadaag yahay
Soofka xooladiyo beeruhuna u kala soocan yahay
Sarwada jillabkiyo  ugartuna loo wada siman yahay
Saliiddiyo macdantaba ceegagta saaxadeeniyo
Intuba suganiyo  Saakhirku ma saluuge yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
In wax soo saarku sedka yahay horumarkiyo
Sallaanka meel sare lagu koriyo saboolnimo ka bax yahay
Aqoontana  mid wax sahashiyo saami farsamo tahay
Sinnaan iyo cadaaladiyo isku filnaasho sal u tahay
Bulshada kala sareeynteediyo  noloshu saro kac tahay
Afrikada salkeenniyo tartan nagala siman yahay
Geediga saruumarkiyo saanqaadku kala reeb yahay
Inaguna socodkeennu hakadiyo sigsigad yahay
Sacba hoorsasha sillooniyo silicu soo jireen yahay
Saanta qaawaniyo dadku lafa socdo yahay
Seeda kogsaniyo gaajadu solato tahay
Dhaxda suunku sabadhkayna qarqoor yahay
Hooyada  sireeysaniyo  saqiirku  baahan yahay
Saxariirtiyo rafaadkiyo sadrigu rogan yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
Nabad lagu seexdiyo  in samatabaxu waajb sare yahay
Kala dambeeyn saxaniyo hogaanku sharci suge yahay
Waayo aragnimada sirta noloshiyo samanku bare yahay
Saaca ku dhaafiyo taariikhduna mid an soo noqon tahay
Tacliintu siraad tahay lagaga baxo mugdiga simaniyo
Ka dhigta xil sidahana mid amarkiisu saxan yahay
Kan saka joogana taladiisa saamic u yahay
Saxiixoo la fuliyana kala dambeeyn salkeed yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
In safka afka duubani duul sirgaxan yahay
Sunta irhaabigana mid sambabka u fadhido yahay
Tababarkiisa silloonna bir suluba ka adag yahay
Sabiguu suulka saarana salid u roge yahay
Mid an waxba saacidiniyo nafta qudha salfado yahay
Kansarka laga subxaanaleeystiyo  saymo abuure  yahay
Mid saxariirta ku faaniyo argagaxiisu silloon yahay
Xiqdiga lagu kala soocmiyo  sifoxumo  tallal yahay
Is miidaaminiyo qaraxyo sirgaxanna mid sababo yahay
Geerida la socotana mid u sacba tumo yahay
Saxaafadda ka diwaangeliyo salalkiyo dhiiga sayrmiyo
Sirtiisa lala soocdana hadaf saxa yahay
Inuusan ku sababiniyo suuban fejignaantu tahay
Wabaayadoo laga sifeeiyo waajibku sidaa yahay
Dhaqan celin loo sameeiyo samafalku wanaag yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
Irhaabiga sawaabani sooma noqoto mid tagay yahay
Ama madfacu dul saran yahay wadkii suge yahay
Inuu salimo mooyae sina kuma badbaade yahay
Nolol saafiyo mustaqbilkiisu sidaa yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
In dunidu safar tahay lagu sugo geeridiyo
Saatirka qudha na yahay midka hayo sirteediyo
Nabadgelyo soohdin l’eiyo barwaaqo salmaaxdiyo
Dawlad lagu wada samatabixiyo bulsho is wada saacidiyeey
Saaxadaada Soomaaliyeey Subxaanoow ugu deeq
Sugnaaniyo seddx jeer Amiin Amiin Amiin
Ku sagootiyay xaq soo gabaye                                                                                                                                                                                                                                         

1 comment to XAQ SOOR

  • I will right away take hold of your rss feed as I can’t in finding your e-mail subscription link
    or newsletter service. Do you have any? Kindly allow me realize in order that I may just subscribe.
    Thanks.

Leave a Reply

 

 

 

You can use these HTML tags

<a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*