Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

BALAAYADA TAXIGA

BALAAYADA TAXIGA
B’ada maansadiyo hadaan soo daliishado baydkeediyo
Baaxadeeda furaaniyo bilicsamida murtidiyo
Idiin soo bandhigo balaayada Taxsiilihiyo
Beryahanba buuqeedu ka taagnaa belediyada Torontiyo
Burhaanta taxi wadihiyo bulshadeeda kala gidisaniyo
Kii barfasoor ahaan jiriyo ama cilmi baarihiyo
Doctoorka BHDiyo ama injineerka bakchulaarka sitiyo
Kan bisniska ku takhasusiyo ama garyaqaanka dacwada kala bixiyo
Mid  reer baadiya ahan jiriyo ama beeraleey  horiyo
Mid dusuudda baaran jiriyo ama dadka boobi jiriyo
Dal ku galka buuxiyo ama basarkiyo tahriibkiyo
Kaga soo wada gudbay baaritaanka xuduudda baahsaniyo
Baqahana ku wada yimidiyo Rabbiyoow I bixiyo
Beldaanka kanadiyo Mareeykankan loo soo wada baxsadiyo
Intuba isku baab noqdiyo kaabi loo wada bixiyo
Bal ogoow in balaayada taxsigana lagu kala bixin basarkeediyo
Kala boobkiyo tartanka magaalooyinka buuqa badaniyo
Dadku is baryeeyniniyo lays wada baalmariyo
New yoorkada baaxada weeyniyo baladka Torontiyo
Mid basaboor cusubiyo buux dhaafiyuhu yimidiyo
Busaaradiyo kala cararkiyo baqo kaga soo bixitimiyo
Bartuu ku soo barbaariyo baalasha dunida hooganiyo
Dagaaliyo cudur baahsaniyo labaduba is barbar socdiyo
Bakistaaniyo bunjaabiyo buuraleeyda Talibaankiyo
Bambadiyo qaraxiyo dadka la beegsadiyo
Bulbulka ashitadana barer uga shuba bilantiisiyo
Begiyo wejiga banaaniyo degdegna u baxsadiyo
Xasadka b’aniyo kana soo burqaday
Maskax bugtiyo miyir ka boodiyo
Beldaanka laga soo tacabiriyo Hindigiyo Beershiyadiyo
Barigiyo galbeedkiyo qaaradaha laga soo barakiciyo
Afrikadan  ka baahaniyo barwaaqadeda buuxdhaaftiyo
Balwana yeelkeediyo biilkoodiba  noqday Taxi la buubiyo
Barqiyo layliyo bulshooyinkoo loo kala guriyo
Baro isu dhadhawiyo ama baaxooyin kala fogiyo
Boqolaal kiloomitiriyo afarta berjaha kala jiriyo
Inkastoo intooda badani basajeerka Taxsigu
Kuwa laga badbaadiyo bulsho muxtarima yihiyo
Kiradoodana la bixiyo mahadsanidna baalka ka raaciya
Mid  baas baa ku dhax jiriyo booli quutihiyo
Bililiqeeysigiyo isku dara handadka b’aniyo
Feerkana la soo boodiyo ama bilaawaha afeeysaniyo
Marna bastoolad ku tiriyo dabadeedna baxsadiyo
Boorsooyinkana horay u boobiyo wixi bilicdiisu qabatiyo
Boliiskuna burhaantiisu ka badneeyn faylal la buuxiiyo
Baaritaan an dhamaaniyo inta badanna waxba ka soo bixiniyo
Bidhaanta kaamaradiyo sawiradana soo bandhigiyo
Balse helin balaayaqabihiyo  kan wax bililiqeeystiyo
Burcada Taxiyadiyo si baas ku noolihiyo
Bar tilmameedna waxa kuu ah xadaskii b’anaaiyo
Bilaawihiiyo halistii Talki lala beegsadiyo
Beryo an yareeniyo boqolaalna laga joogiyo
Booliskuna baaritaaniyo baadigoob ku maqanyihiyo
Mujrimkiina bartiisa la hayn kamaradu soo bandhigtiyo
Dhibanuhuna biilal caafimaadiyo lahaaynba caymis buuxiyo
Gunnada bukaankiyo benshan lagu baxsadiyo
Beriba beri ku gaar mooyae iyo cayr loo baryo tagiyo
Taxsiiluhuna  dad baas yahay naceeyb is biirsadiyo
Barbarna isula  soconiyo  bisadaha la hal maaliyo
Awoodiisa buuxdana bal isagu an ogeeyniyo
Sida baarqabka geeliyo mid  la barbar dhiganiyo
Baniadaam yar baa tujiyo dacayna ku boobiyo
Biyahana kaga dhaansado baaxoyinka ceelashiyo
Taxsiluhuna brookarka biiliyo kan isagu bahdiliyo
Garaashle beniga ka baxsaniniyo dalaal an baahi beeliniyo
Gelin barkii yeey  kala xiri karaan baladkoo idiliyo
Baayacmushtarka xoogiisiyo isu socodka bulshadiyo
Balse toowfiiq baan jiriniyo talo lagu badbaadiyo
Kwana shati bug ah yaa baabuurta loo suriyo
Beesana an jooginiyo qiima lagu baayiciyo
Ambasaadar loo bixiyiyo magac baasoo xayiraniyo
Kiraduna laga bannadiyo xitaa marki la bukoodiyo
Kan lagu bedelayna hanti yahay baxsanoo guuriniyo
Standaard baleedkii  soo bixi jiriyo beryihii horoo tagiyo
Boqolaal kun dollarna lagu kala iibsado iyo lacag badaniyo
Kiraduna u banaaniyo magacoo la kala bedeshiyo
Ambaasadarkuna baarkinka la dhigiyo caymiskana la bixiyo
Bilaha koobaniyo ee fasaxa loo bixiyo
Ama mudo laga baaraandagay beladiyada kula wareegtiyo
Waa kuwa bar u araga iyaguye boqol jahana kala heeystiyo
Barbarna isku raaciniyo lahaynba barta kulankiyo
Barqana u midoobi karin baxnaaneeyta dantoodiyo
Kala boobka mooyae dadka gacanta babiyo
U baratankay ku badiyaan midka taagan jidka barbarkiisiyo
Markuu baabuurka ku soo boodana basajeerka sireeysaniyo
Kursigana isku bikaaciyo tilmaamana barta loo socdiyo
Suaasha ugu badan warkuna ku biloowdiyo
Waa baledkee ka soo tacabirtay shaqadanse ma u bogtiyo ?
Dabadeedna bul ka dheh yaa xigtiyo baratanka waalaniyo
Bambar ku dirirkiyo is wada baacsigiyo
Kala boobka warkuna cidina looga baqaniyo
Ileen dhowr bakeri yaa ku maqaniyo fiiqsigii baarkiyo
Dhalooyinkiina  u dhiman baalka laga soo buuxiyo
Qarsoodigana looga beganaiyo bashaalka iyo qosolkiyo
Marki la gaaro bartii loo socdayna ama baladkoodiyo
Hurdabaaba u baxeeysiyo  an laga baraaruji Kariniyo
Boliis yaa u baahantihiyo baabuurka kaaga dejiyo
Biilkana  kaaga qaadiyo naftoodana badbaadiyo
Ileen bari iyo galbeedkuba uma kala baxsanae
Balse waxaa ka sii daran kuwa isu baahaniyo
Mid baxsantiisi la socotiyo sheeda kaaga soo boodiyo
Markaad breega ka soo kacdidba laysku bilaabo beg salaaxiyo
Boobka dhunkashadiyo tacaanuqu neeftu bufleeyso
Nin iyo basarkii balaayo walbana baabkeediyo
Balse labo kala daran yaa mid kuu banaaniyo
Baaburkoo ad jojisiyo barer wax ugu sheegtidiyo
Biyaha kululiyo biirkuba laga bannad Taxigiyo
Xaalkiinana uma beginiyo dedegtan baasiyo
Baay baay ku tiraa biilkana ka sabartiyo
Ama boob saaratidiyo musig baxsanoo kuliliyo
Kaga gashaamatid neefta baxaysiyo riinka soo boodiyo
Beledkoodina la tiigsatiyo ama barti loo soocdiyo
Bal ogoow in balaayada taxigana lagu kala bixin basarkeediyo
Beri iyo labana lagu soo bandhigi karinyo
Waxa loo baahanyahay baaxad aqooneediyo
Taariikhdoo dib loo baariyo bilooyin qoraaliyo
Waqti badanna la geliyo  laybreerigiyo buugtiyo
Balse arima kaloo baxsan yaa barbar socdiyo
Bandhig suugaaneediyo ee la soo beer xuliyo
Baraarujinta gabayadiyo murti baaxad weeyniyo
Kala badan xaajaduye bilicso bartaan ku soo barbarniyo
Soomaalida looga soo barakiciyo shaqalaantan baahsaniyo
Qaraxyadan is barbar socdiyo ee balaayada afka duubatiyo
D’ayartan ku soo wada baxsatay tahriibkiyo is biimeeyntiyo
Badahana ku baabiyo meeydkuna xeebaha bilqaniyo
Barna yaxaaskuba ku qadeeiyo bidhaantoodana an la heliniyo
Wadankeeni burburiyo dhakafaarkan is biirsadiyo
Ka bogo baydadka qalbiga rogiyo  bulsho saaseheediyo
Baadigoobka sababtiyo dadkan is wada baabiyo
Web beejka Hilowle.com ee barta interneetkiyo
Bi’idnillaahi dhaha badbaadiyo bishaaro samatabixiyo
Nabadgelyo baahsaniyo Soomaali barbar isula socotiyo
Barwaaqiyo bash bashiyo balad iyo baadiyaba
Baraariyo aflaxna Rabbi ka barinaye
AMIIN   AMIIN  AMIIN

Leave a Reply

 

 

 

You can use these HTML tags

<a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*