Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

SALAL QABIIL

B R R  A C W W HORDHAC dhageeystayaasha qiimaha iyo qaayaha leh ee Soomaaliyeed aniga oo ah inj.col Cabdi hilowle  waxan idiin soo gudbinaya maansada SALAL QABIIL idinkagana soo xulay W/S  HILOWLE. COM kana daalacan kartaan lix iyo toban maanso oo kale maqal iyo muuqaalba

 Mansada salal qabiil waxay soo baxday 14/jan/2014 waxayna ku taxluqdaa dhibaatada qabiilka dagaalka diinta loo adeegsado shaqalaanta mudada dheer soo tixnayd ,tahriibka badihiyo saxraaga, tarxiilka Sacuudiga iyo xabsiyada lagu baabay gabdho iyo wiilal ee wadamada deriska nala ah , darxumada heeysata qaxootigeena iyo masuuliyiinti Soomaaliyeed ee farqaha isku wada dhegan. Ugu dambeeynti Soomaalida ku nool dibada iyo gudahaba waxan ugu baaqaya  in qabyalada meel layska dhigo banaan bax Rabi tuug ah la sameeyo in dhibaatada Ilahay naga saaro, dawladana digniin u noqoto in ay waqti xadadan heeysato ay wadanka ku xasiliso shaqo ku abuurto magaca Soomaaliyeedna dib usoo celiso , banaan baxa oo an loo kala harin inta afka Soomaaliga ku hadasho ee dunida ku nool maadaama dhiigu iyo magucu naga dheexeeyo.

MAQAL WANAAGSAN IYO MAANSADA SALAL QABIIL
Samaan ma leh qabyaaladu si kastoo loo egaba
Caadna nagama saarniyo Soomali surunkeey marsiisiyo
Siyaasad markeey gashiyo mansab la sii kala riixdiyo
Sakhrad lagu faaniyo samadiidku sacabkiisiyo
Eray sami wuxu gooyo surka laysku wada jariyo
Suluxa laga beeyriyo dagaal lo wada saftiyo
Samuud raca la saacidiyo sinaantana la xaqiriyo
Safba safka qabiilka kale sammihiisa xummaan yihiyo
Xil sidaha haybtoodana ceeb ka saliim yihiyo
Si kastoo sibir walaaqiyo hoog salkii yihiyo
Haduu sama fale yahayna bardu safka qabiilka kale
Si dadban u aragiyo xumaan socoto u yihiyo
Saxariir mid soo waaridiyo surmiyo abaar yihiyo
Afartii sibraariyo barkii Soomaali siday wax ku qaybsatiyo
Aurkii siday soconwaa wxuuna sababay sidaniyo
Sideed madaxweeyniyo sagaal dibada meereeystiyo
Goloyaal iska soo horjeediyo dhanna u kala socaniyo
La kala safan madaxda sariyo iyana geesaha isa surtiyo
Dawladii subax la ansixiyana sanad nala dhaafiniyo
Nabadna la hayn seeskeediyo surmiyo abaar ka bixiyo
Tahriibkiina sii socdiyo soo masafuriskii Sacuudigiyo
Dayuuradahii tarxiilka sidayna madaarada ku soo qulquliyo
Sasabada dhalaankiyo sul caayniyo dheg dheeriyo
Saa dambe ma dheeriyo barwaaqaa soo socotiyo
Seddex iyo labaatan sano Soomaali lagu soo wadiyo
Kala dambayn ma soo kordhine nabadgelyo saxaniyo
Rasaas laysku wada sayriyo waxay sababtay dagaaliyo
Sifaxumida xiqdigiyo sun laysku wada walaaqiyo
Sakati an laga bixiniyo sifooyinka khiyaamadiyo
Dib u dhacoo sii socdiyo saxariirtiyo rafaadkiyo
Socotada tahriibkiyo subyaanku ku siiqmiyo
Saxraaga qaaradihiyo gaajadu ku solatiyo
Suramadiyo xeebihiyo meeydku nagu salaamiyo
Safna yaxaaskuba ku qadeeiyo ama saymoolaha dugaagiyo
Bartoodana indho la saarin qalfoof laga saso mooyae
Soomaalina ka indha saaban dunida siraadatiyo
Baratankaa socdiyo horumarka loo sara kiciyo
Socodkeenuna saamajiidiyo hakad yahay sigsigadiyo
Silic soo jireeniyo mugdiga simaniyo
Shaqalaantan saaxawalbiyo Soomaali daashatiyo
Sababta barakiciyo haajirka lagu siiqmiyo
Dib u dhaca soo jireeniyo seetadiisa dheraatiyo
Safafka qaxootigiyo sacba hoorsashada silooniyo
Hooyada sireeysaniyo saqiirku ku salaliyo
Saxariirtiyo cudurkiyo gaajadu soo ridatiyo
Lafaha socdo noqdiyo saddu ku dhegantihiyo
Suleekhada tahriibtiyo saxraawigu qafaashiyo
Sanooyin guri xirtiyo amaba surka ka jariyo
Sawjar xumahana silica dadka badiyo
Xabisyada sirgaxanna saxariirta ugu bahdiliyo
Gabdhaha suubaniyo sabiga socdaaliyo
Safka afka duubaniyo soofaaliga ka baxsadiyo
Saymihiyo duulankiyo subaxwalba dhiiga daadiyo
Sulufkiyo hoogiyo soo waarido gumaadkiyo
Silicana ku faaniyo saxarirtiyo rafaadkiyo
Saxaafada ka diwaangeliyo salalkiyo dhiiga sayrmiyo
Farta sare u taagiyo lndhaha sirgaxaniyo
Saatirna ka baqino diinta sariftiyo
Salaanka ka dhigtiyo geedka sare lagu koriyo
Xukunkana ku sahwiyo waxan suuragal aheeyniyo
Allow yaa saldano raadisiyo diin kala saariyo
Allow yaa seefta qabiilkiyo qarannimo isa suriniyo
Allow yaa saamiga qabiilkiyo qaran kala soociyo
Allow yaa sawjar qaran ka dhigan salir mooryaaniyo
Allow yaa sadka qarankiyo qabiil ugu safaniyo
Allow yaa sirta qabiilkana qaranimo ku sarbeebiniyo
Allow yaa sadqaybsiga dawladiyo qabiil kala saariyo
Allow yaa saamiga aqoontiyo karti wax ku saaleeystiyo
Allow yaa suxufi beeleedkana afka ka sajala samicadiisiyo
Allow yaa si xun wax u shegahana daaqada ka saariyo
Allow yaa xarig lama sitaano dhan ku xira silsilad shiilaniyo
Allow waa akhiro samaane inoo sahal dariiqa suubaniyo
Islaanimada saxaniyo kuna salaysneeyniyo
Firqa diineedka kala socdiyo saani loogu jahawareeriyo
Rabboow ino soo dedeji saxansaxo nabadgeliyo
Barwaaqo loo simanyihiyo horumar saxawalbiyo
Midnimo siraadatiyo dawladnimo sare kacdiyo
Soomali oo dhanna ku wada samatabaxdiyo
AMIIN AMIIN AMIIN

1 comment to SALAL QABIIL

Leave a Reply

 

 

 

You can use these HTML tags

<a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*