Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

BILAN IYO BARKHADLE

Hijrada loo kala bokhooliyo badihiyo berigiyo
Kumanaan saniyo waqti badan ka hor soo bilabatiyo
Kuwa uu basharku ka beeray Rabbigiyo
Labiyo dhidigiyo bilan iyo barkhadliyo
Buseeylkiyo naxariistiyo isugu beereniyo
Beeraleeydiyo ugaarsatadiyo kuwa xoolaha biishiyo
Way ku soo badanayeen dadku barigiyo galbeedkiyo
Baaxadaha geeska Afrikiyo xeebaha badda casiyo
Jabuutiyo Boramiyo Berberiyo Bosaasiyo
Baaxada Jigjigiyo banka Garisiyo
Muqdishiyo Baraawiyo Beladweyniyo Baydhabiyo
Xeebaha badda Hindigiyo dhulka buuraleeydiyo
Barbarkaad ka egtaba bahda Soomaaliyeedna
Waa beer wada dhashiyo barbaro xigaaliyo
Biliicda suuradiyo bidhantu ka dhaxeysiyo
Abo wada barbaariyo hooyo wada baxnaaneeysiyo
Baadkiyo xoolihiyo ka sinan delegga la beertiyo
Beryahan dambana dib u bilaabatay hijradiyo
Badaha dadku ka tallaab boqolkiiba tobaniyo
Baaqiga ku harayna barti an ku dhalaniyo
Meeshi loo badnaaiyo beldaankeeni hooiyo
Dagaal baa afeeiyo barakiciyo abaariyo
Baqo iyo baxsadiyo naftu qaar soo badiyo
Rabbiyoow naga bixidiyo naga badbaadidiyo
Busaaradiyo kala cararkiyo biimadiyo haajirkiyo
Soona buux dhaafiyay dadku beldaanka horuumariyo
Qaxootiga ku badanyihiyo muhaajirka soo barakiciyo
Barwaaqo sooranka Yurubiyo baaxadaha Ameerikiyo
Birminghaamiyo Londoniyo jasiiradaha Britishkiyo
Bostoniyo Minasootiyo beldaanka Mareekankiyo
Torontada lagu badanyihiyo baaxadaha Canadiyo
Baratankuna kala dhexeeiyo boqolaalka qaruumoodiyo
Tacliintoo la baxnaaneeiyo wax barashada jaamacadihiyo
Xukunkoo la baacsadiyo barta sare shaqooyinkiyo
Hogaanka bankiyadiyo shirkadaha bal ballaraniyo
Balse qaar bar u aragiyo u badan Soomaalidiyo
Bala sheegiyo kuwa qabiil isugu wada bukiyo
Beri hore dagaaladiyo ee beelaha wada dagiyo
Beratan iskula jiriyo iyagu is baacsadiyo
Firqayaal baasiyo bah bahna u kala safaniyo
Waxna ka tira badaniyo buuqana ka bixiniyo
Barbarna isku raaciniyo lahaynba barta kulankiyo
Hiilada bugtiyo naceeyb is biirsadiyo
Baararka fadhi ku dirirkiyo boqnaha is wada jariyo
Tartankana laga badi kala boobka mansabka sariyo
Bal ogoow baraarahana ama nolosha bulaalkeediyo
Baabkeedu waa wadajir lamaanihii caqli is biirsadiyo
Hadiise barbar uun talada ka boodiyo
Balaqaabuhu ninkuna xilkiisa ka soo bixiniyo
Hoyada birmadka ihi yaa badbaadisa qooyskiyo
Baxnaaneeysa caruurtiyo la balambasha Maareeyntiyo
Mid baasna waa jirtaaiyo baashigeeda huruuftiyo
Boliiska u yeeratiyo banaankana u dhigto boorsadiyo
Bukaanka abuurtiyo burburka reerkiyo
D’ayartaana waa u baasiyo baaraandegga guracaniyo
Xabadu qaar boobtiyo lagu sagootiyo baroortiyo
Ama sharciga baalmariyo xabsiyada laga buuxiyo
Qaarna irhaabigu beegsadiyo Maskaxdana ka bedeliyo
Beldaankoodi dib ugu celiyo bambadana ku xirxiriyo
Beentana ugu baaqiyo Jinnada burqatiyo
Baraha isku qarxiya suuqyada lagu badanyihiyo
Meeydkana bilqiyo isu barkiya dhaawiciyo
Dhiiga butaaciyo sababa lafaha burburiyo
Mid an balaayaba qabin bukaan jiif ka dhigiyo
Dawladii balanka qaadayna difaaca bulshadiyo
Badbaadada loo igmadiyo baarlamaaniyo xukuumadiyo
Basar looga baahanyihiyo musiibada looga bixiyo
Mushaarkoo an baqaniyo militarigiyo boliiskiyo
Toban u jibaar loo badiyo boqolka dollariyo
Baadkiyo risaastana loo buuxiyo bakhaaradiyo
Bandoowgana laga qaadiyo baabuurta gashaamaniyo
Balaleeyda dayuuradiyo maraakiibta badda maaxdliyo
Gantaalka barihiyo taangiga wax burburiyo
Mar hadii difaac looga baahanyihiyo dagaal balaaraniyo
Bilicsamida dishibiliinkiyo ee baraha ciidamadiyo
Barashiyo tusaale noogu filan bambada la duugiyo
Balaayada an soo marniyo baabuurta qaraxdiyo
Qosolba inooma banaaniyo booyinna laguma badbaadiyo
Inta burcadka afka duuban Diinta bahdiliyo
Ashahaada la dirirna dadka u bixiyo xukunkana baacsadiyo
Boobahana shicibka la dhiciyo baroonkiyo basuukihiyo
Basbeelka qarankiyo ku faano burburkiyo
Balaayada la eersadiyo beesha irhaabigiyo
Darxumada baahdana raadiyaha ka baafiyo
Bilantiyo barkhadlana badaha shibaaxiyo
Barna an badbadiniyo doonida la burburtiyo
Badweeyntu liqdiyo ama yaxasku kala boobiyo
Qaarna saxraga naftu badiyo bahalkuna ku feentiyo
Laga baahiyo idaacadahana bidhaantoodana an la heliniyo
Bal Soomalaay u fiirso barta an is dhigniyo
Qosolba inooma banaaniyo booyinna laguma badbaadiyo
Rabbi an barino in bulshadeenna bogsatiyo
Cudurkana ka bixiyo balaayada afka duubaniyo
Baxnaaneeyta shicibkiyo Soomaali isku barbariyo
Towfiiq bilo samiyo beryo lagu samatabixiyo
Barwaaqiyo bash bashna Rabbi ka barinaye
AMIIN AMIIN AMIIN

9 comments to BILAN IYO BARKHADLE

Leave a Reply

 

 

 

You can use these HTML tags

<a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

*