Engineer Abdi Hilowle Hassan

Col. Abdi Hassan

SALAL QABIIL

B R R  A C W W HORDHAC dhageeystayaasha qiimaha iyo qaayaha leh ee Soomaaliyeed aniga oo ah inj.col Cabdi hilowle  waxan idiin soo gudbinaya maansada SALAL QABIIL idinkagana soo xulay W/S  HILOWLE. COM kana daalacan kartaan lix iyo toban maanso oo kale maqal iyo muuqaalba

 Mansada salal qabiil waxay soo baxday 14/jan/2014 waxayna ku taxluqdaa dhibaatada qabiilka dagaalka diinta loo adeegsado shaqalaanta mudada dheer soo tixnayd ,tahriibka badihiyo saxraaga, tarxiilka Sacuudiga iyo xabsiyada lagu baabay gabdho iyo wiilal ee wadamada deriska nala ah , darxumada heeysata qaxootigeena iyo masuuliyiinti Soomaaliyeed ee farqaha isku wada dhegan. Ugu dambeeynti Soomaalida ku nool dibada iyo gudahaba waxan ugu baaqaya  in qabyalada meel layska dhigo banaan bax Rabi tuug ah la sameeyo in dhibaatada Ilahay naga saaro, dawladana digniin u noqoto in ay waqti xadadan heeysato ay wadanka ku xasiliso shaqo ku abuurto magaca Soomaaliyeedna dib usoo celiso , banaan baxa oo an loo kala harin inta afka Soomaaliga ku hadasho ee dunida ku nool maadaama dhiigu iyo magucu naga dheexeeyo.

MAQAL WANAAGSAN IYO MAANSADA SALAL QABIIL
Samaan ma leh qabyaaladu si kastoo loo egaba
Caadna nagama saarniyo Soomali surunkeey marsiisiyo
Siyaasad markeey gashiyo mansab la sii kala riixdiyo
Sakhrad lagu faaniyo samadiidku sacabkiisiyo
Eray sami wuxu gooyo surka laysku wada jariyo
Suluxa laga beeyriyo dagaal lo wada saftiyo
Samuud raca la saacidiyo sinaantana la xaqiriyo
Safba safka qabiilka kale sammihiisa xummaan yihiyo
Xil sidaha haybtoodana ceeb ka saliim yihiyo
Si kastoo sibir walaaqiyo hoog salkii yihiyo
Haduu sama fale yahayna bardu safka qabiilka kale
Si dadban u aragiyo xumaan socoto u yihiyo
Saxariir mid soo waaridiyo surmiyo abaar yihiyo
Afartii sibraariyo barkii Soomaali siday wax ku qaybsatiyo
Aurkii siday soconwaa wxuuna sababay sidaniyo
Sideed madaxweeyniyo sagaal dibada meereeystiyo
Goloyaal iska soo horjeediyo dhanna u kala socaniyo
La kala safan madaxda sariyo iyana geesaha isa surtiyo
Dawladii subax la ansixiyana sanad nala dhaafiniyo
Nabadna la hayn seeskeediyo surmiyo abaar ka bixiyo
Tahriibkiina sii socdiyo soo masafuriskii Sacuudigiyo
Dayuuradahii tarxiilka sidayna madaarada ku soo qulquliyo
Sasabada dhalaankiyo sul caayniyo dheg dheeriyo
Saa dambe ma dheeriyo barwaaqaa soo socotiyo
Seddex iyo labaatan sano Soomaali lagu soo wadiyo
Kala dambayn ma soo kordhine nabadgelyo saxaniyo
Rasaas laysku wada sayriyo waxay sababtay dagaaliyo
Sifaxumida xiqdigiyo sun laysku wada walaaqiyo
Sakati an laga bixiniyo sifooyinka khiyaamadiyo
Dib u dhacoo sii socdiyo saxariirtiyo rafaadkiyo
Socotada tahriibkiyo subyaanku ku siiqmiyo
Saxraaga qaaradihiyo gaajadu ku solatiyo
Suramadiyo xeebihiyo meeydku nagu salaamiyo
Safna yaxaaskuba ku qadeeiyo ama saymoolaha dugaagiyo
Bartoodana indho la saarin qalfoof laga saso mooyae
Soomaalina ka indha saaban dunida siraadatiyo
Baratankaa socdiyo horumarka loo sara kiciyo
Socodkeenuna saamajiidiyo hakad yahay sigsigadiyo
Silic soo jireeniyo mugdiga simaniyo
Shaqalaantan saaxawalbiyo Soomaali daashatiyo
Sababta barakiciyo haajirka lagu siiqmiyo
Dib u dhaca soo jireeniyo seetadiisa dheraatiyo
Safafka qaxootigiyo sacba hoorsashada silooniyo
Hooyada sireeysaniyo saqiirku ku salaliyo
Saxariirtiyo cudurkiyo gaajadu soo ridatiyo
Lafaha socdo noqdiyo saddu ku dhegantihiyo
Suleekhada tahriibtiyo saxraawigu qafaashiyo
Sanooyin guri xirtiyo amaba surka ka jariyo
Sawjar xumahana silica dadka badiyo
Xabisyada sirgaxanna saxariirta ugu bahdiliyo
Gabdhaha suubaniyo sabiga socdaaliyo
Safka afka duubaniyo soofaaliga ka baxsadiyo
Saymihiyo duulankiyo subaxwalba dhiiga daadiyo
Sulufkiyo hoogiyo soo waarido gumaadkiyo
Silicana ku faaniyo saxarirtiyo rafaadkiyo
Saxaafada ka diwaangeliyo salalkiyo dhiiga sayrmiyo
Farta sare u taagiyo lndhaha sirgaxaniyo
Saatirna ka baqino diinta sariftiyo
Salaanka ka dhigtiyo geedka sare lagu koriyo
Xukunkana ku sahwiyo waxan suuragal aheeyniyo
Allow yaa saldano raadisiyo diin kala saariyo
Allow yaa seefta qabiilkiyo qarannimo isa suriniyo
Allow yaa saamiga qabiilkiyo qaran kala soociyo
Allow yaa sawjar qaran ka dhigan salir mooryaaniyo
Allow yaa sadka qarankiyo qabiil ugu safaniyo
Allow yaa sirta qabiilkana qaranimo ku sarbeebiniyo
Allow yaa sadqaybsiga dawladiyo qabiil kala saariyo
Allow yaa saamiga aqoontiyo karti wax ku saaleeystiyo
Allow yaa suxufi beeleedkana afka ka sajala samicadiisiyo
Allow yaa si xun wax u shegahana daaqada ka saariyo
Allow yaa xarig lama sitaano dhan ku xira silsilad shiilaniyo
Allow waa akhiro samaane inoo sahal dariiqa suubaniyo
Islaanimada saxaniyo kuna salaysneeyniyo
Firqa diineedka kala socdiyo saani loogu jahawareeriyo
Rabboow ino soo dedeji saxansaxo nabadgeliyo
Barwaaqo loo simanyihiyo horumar saxawalbiyo
Midnimo siraadatiyo dawladnimo sare kacdiyo
Soomali oo dhanna ku wada samatabaxdiyo
AMIIN AMIIN AMIIN

BALAAYADA TAXIGA

BALAAYADA TAXIGA
B’ada maansadiyo hadaan soo daliishado baydkeediyo
Baaxadeeda furaaniyo bilicsamida murtidiyo
Idiin soo bandhigo balaayada Taxsiilihiyo
Beryahanba buuqeedu ka taagnaa belediyada Torontiyo
Burhaanta taxi wadihiyo bulshadeeda kala gidisaniyo
Kii barfasoor ahaan jiriyo ama cilmi baarihiyo
Doctoorka BHDiyo ama injineerka bakchulaarka sitiyo
Kan bisniska ku takhasusiyo ama garyaqaanka dacwada kala bixiyo
Mid  reer baadiya ahan jiriyo ama beeraleey  horiyo
Mid dusuudda baaran jiriyo ama dadka boobi jiriyo
Dal ku galka buuxiyo ama basarkiyo tahriibkiyo
Kaga soo wada gudbay baaritaanka xuduudda baahsaniyo
Baqahana ku wada yimidiyo Rabbiyoow I bixiyo
Beldaanka kanadiyo Mareeykankan loo soo wada baxsadiyo
Intuba isku baab noqdiyo kaabi loo wada bixiyo
Bal ogoow in balaayada taxsigana lagu kala bixin basarkeediyo
Kala boobkiyo tartanka magaalooyinka buuqa badaniyo
Dadku is baryeeyniniyo lays wada baalmariyo
New yoorkada baaxada weeyniyo baladka Torontiyo
Mid basaboor cusubiyo buux dhaafiyuhu yimidiyo
Busaaradiyo kala cararkiyo baqo kaga soo bixitimiyo
Bartuu ku soo barbaariyo baalasha dunida hooganiyo
Dagaaliyo cudur baahsaniyo labaduba is barbar socdiyo
Bakistaaniyo bunjaabiyo buuraleeyda Talibaankiyo
Bambadiyo qaraxiyo dadka la beegsadiyo
Bulbulka ashitadana barer uga shuba bilantiisiyo
Begiyo wejiga banaaniyo degdegna u baxsadiyo
Xasadka b’aniyo kana soo burqaday
Maskax bugtiyo miyir ka boodiyo
Beldaanka laga soo tacabiriyo Hindigiyo Beershiyadiyo
Barigiyo galbeedkiyo qaaradaha laga soo barakiciyo
Afrikadan  ka baahaniyo barwaaqadeda buuxdhaaftiyo
Balwana yeelkeediyo biilkoodiba  noqday Taxi la buubiyo
Barqiyo layliyo bulshooyinkoo loo kala guriyo
Baro isu dhadhawiyo ama baaxooyin kala fogiyo
Boqolaal kiloomitiriyo afarta berjaha kala jiriyo
Inkastoo intooda badani basajeerka Taxsigu
Kuwa laga badbaadiyo bulsho muxtarima yihiyo
Kiradoodana la bixiyo mahadsanidna baalka ka raaciya
Mid  baas baa ku dhax jiriyo booli quutihiyo
Bililiqeeysigiyo isku dara handadka b’aniyo
Feerkana la soo boodiyo ama bilaawaha afeeysaniyo
Marna bastoolad ku tiriyo dabadeedna baxsadiyo
Boorsooyinkana horay u boobiyo wixi bilicdiisu qabatiyo
Boliiskuna burhaantiisu ka badneeyn faylal la buuxiiyo
Baaritaan an dhamaaniyo inta badanna waxba ka soo bixiniyo
Bidhaanta kaamaradiyo sawiradana soo bandhigiyo
Balse helin balaayaqabihiyo  kan wax bililiqeeystiyo
Burcada Taxiyadiyo si baas ku noolihiyo
Bar tilmameedna waxa kuu ah xadaskii b’anaaiyo
Bilaawihiiyo halistii Talki lala beegsadiyo
Beryo an yareeniyo boqolaalna laga joogiyo
Booliskuna baaritaaniyo baadigoob ku maqanyihiyo
Mujrimkiina bartiisa la hayn kamaradu soo bandhigtiyo
Dhibanuhuna biilal caafimaadiyo lahaaynba caymis buuxiyo
Gunnada bukaankiyo benshan lagu baxsadiyo
Beriba beri ku gaar mooyae iyo cayr loo baryo tagiyo
Taxsiiluhuna  dad baas yahay naceeyb is biirsadiyo
Barbarna isula  soconiyo  bisadaha la hal maaliyo
Awoodiisa buuxdana bal isagu an ogeeyniyo
Sida baarqabka geeliyo mid  la barbar dhiganiyo
Baniadaam yar baa tujiyo dacayna ku boobiyo
Biyahana kaga dhaansado baaxoyinka ceelashiyo
Taxsiluhuna brookarka biiliyo kan isagu bahdiliyo
Garaashle beniga ka baxsaniniyo dalaal an baahi beeliniyo
Gelin barkii yeey  kala xiri karaan baladkoo idiliyo
Baayacmushtarka xoogiisiyo isu socodka bulshadiyo
Balse toowfiiq baan jiriniyo talo lagu badbaadiyo
Kwana shati bug ah yaa baabuurta loo suriyo
Beesana an jooginiyo qiima lagu baayiciyo
Ambasaadar loo bixiyiyo magac baasoo xayiraniyo
Kiraduna laga bannadiyo xitaa marki la bukoodiyo
Kan lagu bedelayna hanti yahay baxsanoo guuriniyo
Standaard baleedkii  soo bixi jiriyo beryihii horoo tagiyo
Boqolaal kun dollarna lagu kala iibsado iyo lacag badaniyo
Kiraduna u banaaniyo magacoo la kala bedeshiyo
Ambaasadarkuna baarkinka la dhigiyo caymiskana la bixiyo
Bilaha koobaniyo ee fasaxa loo bixiyo
Ama mudo laga baaraandagay beladiyada kula wareegtiyo
Waa kuwa bar u araga iyaguye boqol jahana kala heeystiyo
Barbarna isku raaciniyo lahaynba barta kulankiyo
Barqana u midoobi karin baxnaaneeyta dantoodiyo
Kala boobka mooyae dadka gacanta babiyo
U baratankay ku badiyaan midka taagan jidka barbarkiisiyo
Markuu baabuurka ku soo boodana basajeerka sireeysaniyo
Kursigana isku bikaaciyo tilmaamana barta loo socdiyo
Suaasha ugu badan warkuna ku biloowdiyo
Waa baledkee ka soo tacabirtay shaqadanse ma u bogtiyo ?
Dabadeedna bul ka dheh yaa xigtiyo baratanka waalaniyo
Bambar ku dirirkiyo is wada baacsigiyo
Kala boobka warkuna cidina looga baqaniyo
Ileen dhowr bakeri yaa ku maqaniyo fiiqsigii baarkiyo
Dhalooyinkiina  u dhiman baalka laga soo buuxiyo
Qarsoodigana looga beganaiyo bashaalka iyo qosolkiyo
Marki la gaaro bartii loo socdayna ama baladkoodiyo
Hurdabaaba u baxeeysiyo  an laga baraaruji Kariniyo
Boliis yaa u baahantihiyo baabuurka kaaga dejiyo
Biilkana  kaaga qaadiyo naftoodana badbaadiyo
Ileen bari iyo galbeedkuba uma kala baxsanae
Balse waxaa ka sii daran kuwa isu baahaniyo
Mid baxsantiisi la socotiyo sheeda kaaga soo boodiyo
Markaad breega ka soo kacdidba laysku bilaabo beg salaaxiyo
Boobka dhunkashadiyo tacaanuqu neeftu bufleeyso
Nin iyo basarkii balaayo walbana baabkeediyo
Balse labo kala daran yaa mid kuu banaaniyo
Baaburkoo ad jojisiyo barer wax ugu sheegtidiyo
Biyaha kululiyo biirkuba laga bannad Taxigiyo
Xaalkiinana uma beginiyo dedegtan baasiyo
Baay baay ku tiraa biilkana ka sabartiyo
Ama boob saaratidiyo musig baxsanoo kuliliyo
Kaga gashaamatid neefta baxaysiyo riinka soo boodiyo
Beledkoodina la tiigsatiyo ama barti loo soocdiyo
Bal ogoow in balaayada taxigana lagu kala bixin basarkeediyo
Beri iyo labana lagu soo bandhigi karinyo
Waxa loo baahanyahay baaxad aqooneediyo
Taariikhdoo dib loo baariyo bilooyin qoraaliyo
Waqti badanna la geliyo  laybreerigiyo buugtiyo
Balse arima kaloo baxsan yaa barbar socdiyo
Bandhig suugaaneediyo ee la soo beer xuliyo
Baraarujinta gabayadiyo murti baaxad weeyniyo
Kala badan xaajaduye bilicso bartaan ku soo barbarniyo
Soomaalida looga soo barakiciyo shaqalaantan baahsaniyo
Qaraxyadan is barbar socdiyo ee balaayada afka duubatiyo
D’ayartan ku soo wada baxsatay tahriibkiyo is biimeeyntiyo
Badahana ku baabiyo meeydkuna xeebaha bilqaniyo
Barna yaxaaskuba ku qadeeiyo bidhaantoodana an la heliniyo
Wadankeeni burburiyo dhakafaarkan is biirsadiyo
Ka bogo baydadka qalbiga rogiyo  bulsho saaseheediyo
Baadigoobka sababtiyo dadkan is wada baabiyo
Web beejka Hilowle.com ee barta interneetkiyo
Bi’idnillaahi dhaha badbaadiyo bishaaro samatabixiyo
Nabadgelyo baahsaniyo Soomaali barbar isula socotiyo
Barwaaqiyo bash bashiyo balad iyo baadiyaba
Baraariyo aflaxna Rabbi ka barinaye
AMIIN   AMIIN  AMIIN

IS BARBARDHIGGA SUXUFIGA

Ba’da maansadiyo is barbardhigga suxufigiyo
Buugeeda  gabaygiyo hadaan furo beeydkeediyo
Baaro baddeediyo suugaanta baaxadeediyo
Labo kala baabiyo burhaantiyo fikirkiyo
Kala soo dhax baxo bahda suxufigiyo 
Colaadda mid biyo ku shubiyo midka babiya dabkeediyo
Mid bulsho qaraniyo midka beeleediyo
Mid an barbariiqaniyo midka la duuban barbarkiyo
Bartiisa hadaan ku hormaro suxufi beeleedkiyo
Bala quutihiyo midka ku baraaro baabiyo
Burburkiyo hooggiyo bulsho jahawareeriskiyo
Bukaanka shicibkiyo midka ku bulaalo tafaraaruqiyo
Barakaca umadiyo khilaafka baahsaniyo
Runta ka beeyriyo u sacba tumo beentiyo
Rabbi ka baqino butaaca xantiyo
Cudur beerihiyo  shakiga lagu kala boodiyo
Sunta burqatiyo balaayada afuufiyo
Beer laxaawsiga qabiilkiyo tol beeleeydiyo
Buunkuu yeeriyaba bulshada ku kala diliyo 
Beentuu buunbuuniyo  beeshiisu ku hadaaqdiyo
Barta suubaniyo baalmaro xaqiyo
Is bahdilka beelihiyo  ku bayraqa xumihiyo
Bulbulka naartiyo u biro tumo dagaal ba’aniyo
Hadaan intaa uga baxo suxufi beeleedkiyo
Baddeda maansadiyo bilicsado barbarkeda sariyo
Bacleelkeeda wanaagiyo baabkeeda tusaaleentiyo
Bartilmaameedka suxufigiyo midka bulsho qaraniyo
Burjigiisa qoraalkiyo bilicsamida murtidiyo
Bartiisa interneetkiyo laga daalacdo web beejkiisiyo
Buugiisa dahabigiyo ee quruxda badaniyo
Biloowga khilaafkiyo Laga dhoowray is bahdilkiyo  
Balaayada galaafatiyo buuqiyo sawaxanadiyo
Midka runta ka baqino balse wajaha beentiyo
Bukaanka qabiilkiyo bulsho kala dilkiyo
Bal waa wareeydiyo ku beeyraqin beesadiyo
Balse biyo ku shubo barta xumaha oloshiyo
Beeydka nabad samidiyo Bargooba xalkiyo
Bulsho an is baalmariniyo is wada baryeeysiyo
Baraarujinta wadaninimiyo barbar isula socotiyo 
Isku taageerta badbaadadiyo bulsho samatabixiyo
Beeydka Rabbigiyo isku baahisa xadiiskiyo
Runta baalmariniyo barta lagu badbaadiyo
Qabiilka wax baabiyo ka fogaato waa besheeydiyo
Wada baacsato irhaabigiyo balaayada afka duubatiyo
Raadkooda bargoobtiyo bamkeey aseeniyo
Ka baqin handadka ba’aniyo ee beesha irhabigiyo
Bamka baceeysaniyo baabuurta laga laliyo 
Qaraxa baaruudiyo lala beegsado baraha cibaadiyo
Barta taliskiyo laga biilo kuwa baahaniyo
Isbitaalada bukaankiyo kuwa qarxiya baalayasha layrkiyo
Burburka kuwa ku faaniyo  dhiiga burqadiyo 
Kuwa lagu soo barbaariyay basbeelka qarankiyo
Burcadnimada diintiyo been ka sheega jihaadkiyo
Qubxigiyo laga soo buuxiyay tafaafulka baasiyo
Khurafaadka baniadamkiyo balan qaadka Jinnadiyo
Maskax bugtiyo ka soo burqatay miyir ka boodiyo
Bacriminta ibliiskiyo barbarka jinkiyo
Lagu soo rakibay bamkiyo balaayada qaraxdiyo 
Lala beegsada suuqyada la buuxiyo baraha kulankiyo
Farxadna ka qaada meeydka bilqaniyo dhiga butaaciyo  
Dhaawaca is biirsadiyo barakaca barqada xigtiyo
Hadaan baabkiisa hakiyo is barbardigga suxufigiyo
Mid bulsho qaraniyo midka beeleediyo
Balse idin soo bandhigo qiso kaloo soo baxdiyo
Boqolkan madaxweeyniyo ee is wada boqriyo
Kala boodkan siyaasadiyo xambaarsan danaha baasiyo
Banaadiriyo lagu kala qaybiyay beledka Hargeeysiyo
Sidii Boon iyo Baarliintii waqooiyo ee Jarmalkii  bariyo
Barwaaqo midnimo lagu waayay beeleeysiga lagu raadiyo
Bal yaa cagta u dhiga gobaleeysigan lagu baratamiyo
Basaskana xannibin baabuurta badeecada sidiyo
Baalaleeyda dayuuradiyo maraakiibta badda maaxdiyo
Baasaboorna ku xirin isu socodka bulshadiyo
Xuduudkan barta qabiilkiyo cinwaankan beeleediyo
Boqol calanna u kala surin bahda Soomaaliyeediyo
Bisniskana  kala xirin bankiyadiyo lacagihiyo
Beledweyniyo Burciyo Bosaasiyo Berberiyo 
Baydhabiyo Booramiyo Baardheeriyo Buuhoodliyo
Allow yaa baaxadeeynana isu fura bariyo galbeediyo
Calankaa buluuggana ka babiya beldaankoo idiliyo
Badbaadiyana bilicsamidiisa qarankayna burburiyo
Nabadgelyadana ku baahiya beled iyo baadiyaba
Barwaaqiyo bash bashna Rabbi kaaga barinaye                                 AMIIN   AMIIN  AMIIN

XAQ SOOR

SAX IYO MAAN
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
In qalinku  siraad yahay jahligu mugdi siman yahay
Samafalku xalaal yahay sabarku aflax yahay
Xaq dhoowrku suuban yahay nolosha salkeed  yahay
Sadbursigu xaraan yahay xaq soorku galad yahay
Tafaraaruqu silic yahay wada socodku guul yahay
Suxufi beeleedku sawaceeniyo ka daran yahay siica daacuunkiyo
Is weeydaaris sax iyo khalad  sifaxumo jigraar yahay
Qabyaaladu sun tahay siyaasad jahawareeris tahay
Sakhrad maanka doorisiyo sama diidku sacabkiisu tahay
Sifaha mujtamaca lagu qaybiyo silic lagu faano tahay
Safba safka qabiilka kale samihiisa xumaan yahay
Xil sidaha haybtoodana sidiisaba  ceeb ka saliim yahay
Si kastoo sibir walaaqiyo hoog salkii yahay
Haddu samafale yahayna bardu safka qabiilka kale
Si dadban u aragiyo xumaan socoto u yahay
Saxariir mid soo waaridiyo surmiyo abaar yahay
Muriqii laba suulliyo samo iyo xumaan sandanadu tahay
Sareeyuhu siduu ka yeeliyo seef laba afla tahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
In sinjigaadu mid qudha yahay saman soo jireen yahay
Sabiyo wada dhashiyo sokeeyo isu wada tahay
Sullankaada Soomaalinimiyo suuraddaadu mid soocan tahay
Sina u kala maarminiyo sabadaadu mid isku xiran tahay
Taarikhda soo jireeniyo  dhaqanku mid siman yahay
Islaanimadu sax iyo khalad ugu kala sifoon yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
Anfaca  Saatirkiyo  in sadku wadaag yahay
Soofka xooladiyo beeruhuna u kala soocan yahay
Sarwada jillabkiyo  ugartuna loo wada siman yahay
Saliiddiyo macdantaba ceegagta saaxadeeniyo
Intuba suganiyo  Saakhirku ma saluuge yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
In wax soo saarku sedka yahay horumarkiyo
Sallaanka meel sare lagu koriyo saboolnimo ka bax yahay
Aqoontana  mid wax sahashiyo saami farsamo tahay
Sinnaan iyo cadaaladiyo isku filnaasho sal u tahay
Bulshada kala sareeynteediyo  noloshu saro kac tahay
Afrikada salkeenniyo tartan nagala siman yahay
Geediga saruumarkiyo saanqaadku kala reeb yahay
Inaguna socodkeennu hakadiyo sigsigad yahay
Sacba hoorsasha sillooniyo silicu soo jireen yahay
Saanta qaawaniyo dadku lafa socdo yahay
Seeda kogsaniyo gaajadu solato tahay
Dhaxda suunku sabadhkayna qarqoor yahay
Hooyada  sireeysaniyo  saqiirku  baahan yahay
Saxariirtiyo rafaadkiyo sadrigu rogan yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
Nabad lagu seexdiyo  in samatabaxu waajb sare yahay
Kala dambeeyn saxaniyo hogaanku sharci suge yahay
Waayo aragnimada sirta noloshiyo samanku bare yahay
Saaca ku dhaafiyo taariikhduna mid an soo noqon tahay
Tacliintu siraad tahay lagaga baxo mugdiga simaniyo
Ka dhigta xil sidahana mid amarkiisu saxan yahay
Kan saka joogana taladiisa saamic u yahay
Saxiixoo la fuliyana kala dambeeyn salkeed yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
In safka afka duubani duul sirgaxan yahay
Sunta irhaabigana mid sambabka u fadhido yahay
Tababarkiisa silloonna bir suluba ka adag yahay
Sabiguu suulka saarana salid u roge yahay
Mid an waxba saacidiniyo nafta qudha salfado yahay
Kansarka laga subxaanaleeystiyo  saymo abuure  yahay
Mid saxariirta ku faaniyo argagaxiisu silloon yahay
Xiqdiga lagu kala soocmiyo  sifoxumo  tallal yahay
Is miidaaminiyo qaraxyo sirgaxanna mid sababo yahay
Geerida la socotana mid u sacba tumo yahay
Saxaafadda ka diwaangeliyo salalkiyo dhiiga sayrmiyo
Sirtiisa lala soocdana hadaf saxa yahay
Inuusan ku sababiniyo suuban fejignaantu tahay
Wabaayadoo laga sifeeiyo waajibku sidaa yahay
Dhaqan celin loo sameeiyo samafalku wanaag yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
Irhaabiga sawaabani sooma noqoto mid tagay yahay
Ama madfacu dul saran yahay wadkii suge yahay
Inuu salimo mooyae sina kuma badbaade yahay
Nolol saafiyo mustaqbilkiisu sidaa yahay
Soomaaliyeey sugnaaniyo u ogoow sax iyo maan
In dunidu safar tahay lagu sugo geeridiyo
Saatirka qudha na yahay midka hayo sirteediyo
Nabadgelyo soohdin l’eiyo barwaaqo salmaaxdiyo
Dawlad lagu wada samatabixiyo bulsho is wada saacidiyeey
Saaxadaada Soomaaliyeey Subxaanoow ugu deeq
Sugnaaniyo seddx jeer Amiin Amiin Amiin
Ku sagootiyay xaq soo gabaye                                                                                                                                                                                                                                         

Bulsho Saasaheed – Youtube

Universal TV Interview

BULSHO SAASAHEED

MAANSADA BULSHO SAASEHEED waxay soo baxday 28/Novembar/2012 maqal wanaagsan
Siinleey laguu tiri bulsho saaseheediyo
S’oda murtidiyo laguu saray dhuuxiyo
Sidaniyo sidaasiyo su’aaliyo jawaabiyo
Sinnaantan ciir ciirtiyo saawihii hooggiyo
Dadkan la kala sooc soociyo tobanka saamood leh
Silica soo jireeniyo waxa soo socdaa yaab leh
Taajirnimo an siraadaniyo Soomaali ka sabooliyo
Sababtaa ii sifee waxa inoo galay sidaniyo?
Ma sifaxumo dawladeediyo musuqmaasuq soo jireeniyo
Ma qabaail sirgaxaniyo sadbursi isku diliyo
Midnimada sumeeiyo wada socodka umadiyo
Ma irhaabi silooniyo sanadahan dambe yimidiyo
Singraaradi nala heliyo sulufkiyo halaagiyo
welina talo ma saallonae siriqdiisi miyaa laalan
Sabab kalena ii sheeg saboolnimada lala siiciyo?
Sedka xoolaadna Saatir nagu manneystiyo
Seddex kun oo kiiloomitirna iyo ka saaidiyo
Soohdinta baddeenniyo saaxilkeenu dhererenyihiyo
Barwaaqaduna safantihiyo si xad dhaafiyo
Kaluun soocaniyo sarwada la jilaabtiyo
Saaxada dhulkeennana ku haboon sooca beeriddiyo
Sabuulka la ayeeystiyo siib kastoo lagu abuuriyo
Siddeed milyon oo hektarna beero lala simi kariyo
webiyada saaxadeeynana sibiqsi yahay anfocoodiyo
Biyo xireen looma sameeyniyo qalabka soo saara korantadiyo
Fatahaadooda yaa sahlaniyo sababta qaxiyo salguurkiyo
Sagalkii galalka buuxinjiriyo togagii soo rogmanjiriyo
Lama soo tabin Roobkii sardhaban weeyaan cimiladuye
Soofkii xoolaad qaar baan soo noqon
Qaarna waa lafa socdiyo saddu ku dhegantihiyo
Sayixiyo ugbaadkii waxa beddelay surmiyo abaariyo
Qax saf ballaraniyo laga wada samatabixiniyo
Sababtaa waa maxaay ku su’aalay adiguye
Aqoonyahanka wax sifeeiyo Samoowna wuxuu yidhi
Sahal weeye jawaabtiyo qaboo yeey ku seegine
Cirkoo sabaad guuriyo laga waayay saxansaxa roobiyo
Dhulkoo hugaday siigiyo dogboo soogsooganiyo
Sabadoo duugoowdiyo sumal haadka roob waagiyo
Dhirtoo la saljariyo geedkii sal weeyniyo
Saami dhuxul loo rogiyo si bareera loo dhoofiyo
Saaxadoo la banneiyo tallalna la suriniyo
Saanqaadka nabaadguurkiyo cimilada sillonaatiyo
Soofkoo daaq waayo ugaartoo salguurtiyo
Harraadka beeyada simiyo belada sooyaantiyo
Soofaaliga yay sababsatiyo seeyladlaha dhuxushiyo
Talisyadii ina soo marayna wax siraata malaheeyniyo
Sinaba ugama soo bixin masuuliyaddii saarneeydiyo
Suunkana uma xidhan in saboolnimada laga bixiyo
Su’aal kalana waxay tiri Samoow jawaab ka sugtiyo
Sahdiga iyo dareenkuba si kasto u garanay saluuggiyo
Sahalse maaha saymihiyo xaajadan sirgaxaniyo
Bal sifoooyin ka bixi dib u dhaca soo jireeniyo
Marinka an seegniyo inaga sedreebay asaagiyo
Isbarbardhigga calan saarkiyo xuriyadda wax saacidiyo
Singaboor seddex guu yeey ka dambeeysay
Soomaalida sigsigatiyo saaqidiyo musalaftiyo
Kun iyo sagaal boqol lixdan iyo seddexdii
Sanadku markuu ahaa yeey salimtay gobanimadiyo
Safafka horana ka gashay dawladaha siraatitiyo
Saraheeda quruxdiyo indhuhu kugu sarcaadiyo
Seddexaad yeey ka tahaay dalalka saruu mariyo
Waana saaxil yaroo an lahaaynba soof xoolaadiyo
Saaxada la beertiyo saliiddiyo macdantiyo
Soomaalina intuba Saatir ku manneystiyo
Safka dawarsigana ku sundan dawladaha saaqidiyo
Waxay u sidataa saxariirtiyo rafaadkiyo
Saboolnimadiyo haajirkiyo safka qaxootigiyo
Sababtaa waa maxaay ku su’aalay adiguye?
Aqoonyahanka wax sifeeiyo Samoowna wuxu yidhi
Sahal weeye jawaabtiyo qabo yeey ku seegine
Aqoontaa wax sahashiyo sarjarta horumarkiyo
Warshadiyo wax soo saariyo shaqo loo saro kiciyo
Balse dad kala socdiyo irhaabigu qaar soofsadiyo
Wax siraata noqdiyo kaba sooman samafalkiyo
Maamul suubaniyo sinaan iyo cadaaladiyo
Soomaalina ersatay sanadahan dambee tagay
Jahli calan surtiyo suldhabaaleeynta irhaabigiyo
Qarax sirgaxaniyo subax walba dhiig daatiyo
Geerida la socatana farxad lagu soo dhaweeiyo
Sirba ahayniyo saxaafadda loogu faaniyo
Bulsho weerar lagu simiyo qabiil loo kala soociyo
Toban siyood wax loo yeeliyo daldalaad u sudhan jeebkiyo
Dhalintii u soo kacdayna sallid iyo loo rogay afduubiyo
Maskaxdoo laga sifeeiyo loo soofeeyo irhaabinimiyo
Goowraca silooniyo sabaradaha moowdkiyo
Surka dadka jariyo sababay saskiyo didkiyo
Qaxooti lagu siiqmiyo siica daacuunkiyo
Cuduro an la sifeeyn Kariniyo dadku raaco sabankiyo
Sifafaalaha iska soo horjeediyo su’aal kalena iga qanci
Saboolnimada soo jireeniyo safafka qaxootigiyo
Sacba hoorsashada nalaku sooc soociyo
Saliiddiyo macdantana ceegagta saaxadeeniyo
Sahanka Puntland mooyie iyo riigagga aay sudhiyo
Layskuba dayin salbaariidda patroolka saaxadeniyo
Barriga sariyo badda suttigeediyo
kana soomannahay sadkeediyo anficiyo ?
Aqoonyahanka wax sifeeiyo Samoowna wuxuu yidhi
Sahal weeye jawaabtiyo qabo yeey ku seegine
Soddonkii sanoo hore kuwii Soomaali u talinjiriyo
Xil sidihii ina soo mariyo mugdiga talada siin jiriyo
Sifo xumiyo laalushiyo sababo an la xaddadi kariniyo
Saadaaliniyo sahaniyo salka dhagaxoo la dalooliyo
La ogaado saliidda ku jirtiyo macdan looma saro kicin
Riigag dhulka lama sudhin badda suttigeediyo
Sayladaha dunidana kuma lahayn saamiyo
Sida loo dawarsado yaa u sahlaneediyo
Sadaqo quureediyo saboolnimo an dhamaaniyo
Labaatanki sano dambana madfacaa sanqadhiyo
Surgooynta qaabiilkiyo sallid wax qashiyo
Sandano wax halaagtiyo irhaabigu sameeystiyo
Colaad sirgaxan yeey Soomaali ku jirtiyo
Saliid lagama qodi Karin saaxadeeniyo
Sal haraaga nuklearkiyo baraamiil lagu soo cabeeiyo
Suntoo loo soo safriyo yaa sahlaneediyo
Si bareera loogu shubo saaxada baddeniyo
Laga qaad kansar sirgaxaniyo cuduro silooniyo
Sidaa weeye ayatiinku toban saamoodlihiyo
Daadkii kala socdiyo ku dagaalo saanqaadka horiyo
Samawadaagga isfahamkiyo sadqeeybsiga xukunkiyo
Rabbow inoo sakhir inaga saar saawa saawaha
Islaanimo suubaniyo sinnan iyo caddaaladiyo
Sanadka soo socdana Soomaali an is dilayn
Sakati isku hayniniyo sir iyo khiyaamiyo
Xukunka saacidiyo saanqaadka isla heshiyo
Dawlad qabiil ka saliimiyo sugta sharcigiyo
saljarta eexdiyo saacida aqoontiyo
Subxanoow lnoogu deeq Soomaali samaatabixi
Amiin Amiin Amiin
G/LE/DH/XE/ENJ CABDI HILOWLE XASSAN TORONTO CANADA 28/11/2012

DARDAARAN SAMAFALIYO

Madaxweeynaha la doortiyo dawladii u xushiyo
barlamaanka dalkiyo gudoomiyaha la duubiyo
Dooroonayaal  la magacaabiyo wasaaradaha dawladiyo                                                                                                          dabaqyo isku duubaniyo daacad u wada shaqeeiyo
dariiqa horumarkiyo nabadgelyo la daaimtiyo
kuwa dalka gaarsiiya damaanad wada noolaashiyo
Daaim Alle ldinka yeel dawlad la mahdiyo

Dadka qoraladiyo talooyinka daadihiyana
Ninwalba daliilkiisiyo idiin cabir tusaale diiraniyo
Samatabixinta dalkiyo daganaansha waartiyo
Dariiq lagu gaadhiyo dawladnimo taamiyo
dardaaran samafaliyo duca Alla bariyo
waano durdurtiyo digniin hordhiciyo
daruufaha taaganiyo Soomali ka danqatiyo
dhiiga daadanhaiyo dandarada asalkeediyo
Deg deg idiin soo gudbi ninwalba dareenkiisiyo
Aniguna dardaaraniyo deeleeyda maansiyo
duciyo waaniyo danaha qarankiyo
murti darajo loosoo xuliyo dareen wadaninimiyo
tusaalaha dandaradiyo diiftiyo balaayada
Soomaali degaankeediyo waayo daashadiyo
Daafaha coloobiyo dib u walaaloobiyo
intaasoo isku duubaniyo dardaaran samafaliyo
Dakane iyo Danqasho gabayo  diiraniyo
ka daalacda diiwaankeyga Hilowle dot.com
Daaim Alle idiin sahal xilka laydiin doortiyo
Dawladnimo buuxdiyo kala dambayn saxaniyo
Doroonayaal dalka gaarsiiiya daganaansho waartiyo
Dad wada damaashadiyo  duul isu calool furaniyo
dareenna ka qabiniyo duliga is qarxiyo
Barwaaqo durdurtiyo derisku la fajeciyo
Duulka hayaamiyo dibadda ku nooliyo
Isku filnaashada la dooniyo darajo lagu gaariyo
lagaga daydo dawladaha horumariyo
dalka Singaporiyo Malaysiyada la deriskiyo
daryeelkooda dadkiyo dawlad wanaagoodiyo
bilicda daharahoodu dunidu ka maseertiyo
xuriyada dawladnimana Soomaali ka dambeeiyo
Rabbi dumistiisa idiinkuma dhibo derbi kasto adagiyo
Daryeelka umadiyo xayira diinta difaaceediyo
Dul jaliilku idiin sahal dariiqa wanaagsaniyo
Durdurka horumarkiyo dadku u riyaaqiyo
Kana digtoonaada duulkan afka duubaniyo
Irhaabigu dagayoo dabarka ku xidhiyo
Diintiba ka digtiyo siduu doonahaiyo
xarig dan ku gaadhiyo xukun la diriqsadiyo
daadista dhiiga Muslimkiyo darxumada ku faaniyo
Dadka isku qarxiya daryeela musanaaugiyo
Saxaafadda ka diwangeliyo farta dusha u taagiyo
D’ayartan habawsan wada dubaaqeysan
Daruufaha adagiyo dib u dhaca keeniyo
Daaf kale hadaan u rogo diirada maansadiyo
Qaxootigan is dul quban dalkiyo dibadaba
Dumarkan dalanbawsan rafaadka daaimtiyo
Dhalaankan weli la duugin darfaha heeystiyo
Ilmadu daadatiyo duhuriyo layliyo
Dabiibna u haysan cudarada wax diliyo
La dandareeysan duumadiyo shubankiyo
xanaano dalbaniyo daryeel lala duljoogiyo
dagaladay ka qaxeen dib loogu soo celiyo
dib u dajin hagaagsaniyo  dadku ku farxiyo
kana digtoonada waxa Soomaali isku diriyo
dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Soomaalidooy dayay wanaag idinka doorsoonye
deeleeydi timacade digniin idinku filaniyo
bal daaha ka roga dagaalka diintiyo
Dabargoa Ciraaqiyo is dilka shiiciyo sunniyo
dandarada Baqdaadiyo qaraxyada is daba socdiyo
dabka ka shidan Pakistan dusheediyo
dafaha Afqanistaaniyo Daliban dhaxalkiisiyo
dababadaha wax dumiya dayuuradaha wax duqeeyaba
Dimishqiyo dalka Suuria dacalwalbiyo
dagaal baa ka jira damiriyo halaagiyo
Dafaha  Urdiniyo Dooxada Turkiyo Lubnaaniyo
qaxootigan daadsaniyo dumariyo caruuriyo
darxumo laga dhaxal diktatooriyo falkiisiyo
dilalka qorsheeysaniyo irhaabiga wax dagiyo
Soomaalina doorka horiyo dabka ka shiddaaiyo
loo soo daabul darxumadiyo qarixiyo
bamka la duugiyo meel durugsan laga hagiyo
qoondo diineedna waa qabiil dahsooniyo
diin islaanimiyo dhiig la daadiyana
waa labo is diidano dariiq wada mariniyo
Islaanimadu waa dulqaadiyo derisnimo wanaagiyo
dagaalkiyo dhiiga lagu daadiyana
laga deeyri ninki dhegta u dolooshiyo
digniin culus yaa Rabi dul dhigiyo
Danta gaar ahaneediyo sandanada la diriqsadana
Waa dandaro heeysata dawladaha Islaamkiyo
kuwa dagaalamahaiyo Irhaabigu dul meereystiyo
Carabtaa is dabargooysiyo Afrikaanka is dilahaiyo
qaarna ku dayasho mudan kala dambeeyntoodiyo
dawlad wanaagoodiyo daryeelka shicibkoodiyo
daafaha khaliijkuba waa dawlado muslimiyo
lagu diirsaday deeqdooda berigiyo baddiyo
bal daaha ka roga dawlad hanaqaadkeediyo
kala dambayn yay hagtaa sharcigo la daryeeliyo
maxkamado darajeeysaniyo laysku dulminiyo
eexna iska diida xaqoo la is duudsiiyo
ciidan isku duubaniyo daryeela xukunkiyo
dishibiliiniyo kala dmbayn difaac u diyaariyo
dawlad dadkeediyo darajeeysa cadaaladiyo
Dib u dhiska dalkiyo derbigii dumiyo
mushaarka dablihiyo shaqaalaha daryeeshiyo
daneeysa danta goodiyo diida tan gaar ahaaneediyo
qaxootigan daadsan dalkiyo dibadaba
daryeel looga baxo diiftiyo abaarihiyo
Waa tan laga doonayoo masuulka dawladeediyo
kii la doortiyo kii la duubiyo
Rabbi darajada siiyiyo suali dabataaliyo
daarada Akhirana Daaimku kula  xisaabtamiyo
dadka Soomaaliyeed waa  duriyad isku midiyo
duul wada dhashiyo isku diiniyo
Dawga lagu hadliyo dayrku isugu xiranyihiyo
Kii ku doortiyo kii ku diidiyo
Daafaha Qooqaaniyo Zeeylac dusheediyo
Dooxada u dhexeeysiyo dalkoo idiliyo
daafwalba geeska Afrikiyo Soomaalida daadsaniyo
dumariyo caruuriyo maatida is dultaaliyo
D’ayartiyo duqoowdiyo dadkoo idiliyo
haatan waa diirkaadiyo duul kuu walaaliyo
adaa duubka u sidiyo darajo dawladnimiyo
Waxeey doonayaan daryeel baniadamnimiyo
darajo gobanimiyo dawladnimo hagaagsaniyo
Nabadgelyo la daaimtiyo xanaano dadnimiyo
barwaaqo durdurtiyo dadka u sinaniyo
deeqda  patroolkiyo macdanta dul joogtiyo
dahabkiyo dheemanka Daaim nagu manneeystiyo
damankii hore tagay dawladihii dalka ka talinjiriyo
dadka kama haqabtirin deeqda baddiyo berigiyo
duulka teknaloojiyadiyo dalooliyo dhulkiyo dhagaxiyo
dahaabka soo saariyo deeqda macdantiyo
waxay ku doodeen in Soomaalida dalkeediyo
deganaansho  ka jirin damaanad hagaagsaniyo
riibiga geedaha ma daaqo lagamana daaqo
dowrkoodu noqoy duulkii is dilayiyo
dad an waxba qabsaniyo dayn ku nooliyo
dawarsigiyo ka bixin is dabamaryeentiyo
golaha la doortiyo dawladii uu ansixiyaba
dariiqii hore ha marina Soomaali daashadiyo
Kuwa maatida daryeeliyo diinta nuxurkeediyo
mawjadaha dagalkiyo lagaga baxsado duufaanadiyo
Donnidii nabi Nuux dadku ku mataliyo
Daaim Alee idiinka yeel doroonayaal la mahdiyo
Dadka Soomaaliyeedna kuwa isku duubaniyo
Difaacda dantoodiyo dawladnimadoodiyo
Daaim Alle idinka yeel duul walaaloobiyo
AMIIN    AMIIN     AMIIN

DHAMBAAL DAWLADNIMO

Madaxweeynaha la doortiyo dawladii uu xushiyo
Dadka qoraaladiyo talooyinka daadihiyo
Samatabixinta dalkiyo daneeya daganaanshiyo
Dariiq lagu gaariyo dawladnimo taamiyo
dardaaran samafaliyo duca Alla bariyo
waano durdurtiyo digniin hordhiciyo
daruufaha taaganiyo Soomali ka danqatiyo
dhiiga daadanhaiyo dandarada asalkeediyo
ninwalba daliilkiisiyo idiin cabir tusaalo diiraiyo
Aniguna dardaaraniyo deeleeyda maansiyo
duciyo waaniyo danaha qarankiyo
murti darajo loosoo xuliyo dareen wadaninimiyo
tusaalaha dandaradiyo diiftiyo balaayada
Soomaali degaankeediyo waayo daashadiyo
Daafaha coloobiyo dib u walaaloobiyo
intaasoo isku duubaniyo dhambaal dawladnimiyo
Dakane iyo Danqasho gabayo diiraniyo
ka daalacda diiwaankeyga Hilowle dot.com
Daaim Alle idiin sahal xilka laydiin doortiyo
Dawladnimo buuxdiyo kala dambayn saxaniyo
Doroonayaal dalka gaarsiiiya daganaansho waartiyo
Dad wada damaashadiyo  duul isu calool furaniyo
dareenna ka qabiniyo duliga is qarxiyo
Barwaaqo durdurtiyo derisku la fajeciyo
Duulka hayaamiyo dibadda ku nooliyo
dumistiisa Rabi idiinkuma dhibo derbi kasto adagiyo
Daryeelka umadiyo xayira diinta difaaceediyo
Dul jaliilku idiin sahal dariiqa wanaagsaniyo
Kana digtoonaada duulkan afka duubaniyo
Irhaabigu dagayoo dabarka ku xidhiyo
Diintiba ka digtiyo siduu doonahaiyo
xarig dan ku gaadhiyo xukun la diriqsadiyo
daadista dhiiga Muslimkiyo darxumada ku faaniyo
Dadka isku qarxiya daryeela musanaaugiyo
Saxaafadda ka diwangeliyo farta dusha u taagiyo
D’ayartan habawsan wada dubaaqeysan
Daruufaha adagiyo dib u dhaca keeniyo
Daaf kale hadaan u rogo diirada maansadiyo
Qaxootiga is dul quban dalkiyo dibadaba
Dumarkan dalanbawsan rafaadka daaimtiyo
Dhalaankan weli la duugin darfaha heeystiyo
Ilmadu daadatiyo duhuriyo layliyo
Dabiibna u haysan cudarada wax diliyo
La dandareeysan duumadiyo shubankiyo
xanaano dalbaniyo daryeel lala duljoogiyo
dib u dajin hagaagsaniyo  nafluhu dooniyo
kana digtoonada waxa Soomaali isku diriyo
dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Soomaalidooy dayay wanaag idinka doorsoonye
deeleeydi timacade digniin idinku filaniyo
bal daaha ka roga dagaalka diintiyo
Dabargoa Ciraaqiyo is dilka shiiciyo sunniyo
dandarada Baqdaadiyo qaraxyada is daba socdiyo
dabka ka shidan Pakistan dusheediyo
dafaha Afqanistaaniyo Daliban dhaxalkiisiyo
dababadaha wax dumiyo dayuuradaha wax duqeeyaba
Dimishqiyo dalka Suuria dacalwalbiyo
dagaal baa ka jira damiriyo halaagiyo
Dafaha  Urdiniyo Dooxada Turkiyo Lubnaaniyo
qaxootiga daadsaniyo dumariyo caruuriyo
darxumo laga dhaxal digtatooriyo falkiisiyo
Soomaalina doorka horiyo dabka ka shiddaaiyo
loo soo daabul darxumadiyo qarixiyo
bamka la duugiyo meel durugsan laga hagiyo
qoondo diineedna waa qabiil dahsooniyo
diin islaanimiyo dhiig la daadiyana
waa labo is diidano dariiq wada mariniyo
Islaanimadu waa dulqaadiyo derisnimo wanaagiyo
dagaalkiyo dhiiga lagu daadiyana
laga deeyri ninki dhegta u dolooshiyo
digniin culus yaa Rabi dul dhigiyo
Danta gaar ahaneediyo sandanada la diriqsadana
Waa dandaro heeysata dawladaha Islaamkiyo
Carabtaa is dabargooysiyo Afrikaanka is dilahaiyo
daaha ka roga dawlad hanaqaadkeediyo
kala dambayniyo hagtaa sharcigo la daryeeliyo
maxkamado darajeeysaniyo laysku dulminiyo
eexna iska diida xaqoo la is duudsiyo
ciidan isku duubaniyo daryeela xukunkiyo
dishibiliiniyo kala dambayn difaac adagiyo
dib u dhiska dalkiyo derbigii dumiyo
dawlad dadkeediyo darajeeysa cadaaladiyo
mushaarka dablihiyo daryeesha shaqaalihiyo
daneeysa danta goodiyo diida tan gaar ahaaneediyo
Qaxootigan daadsan dalkiyo dibadaba
daryeel looga baxo diiftiyo abaarihiyo
Waa tan laga doonayoo dawliga soomaaliyeediyo
Xassankii la duubiyo  Rabbi darajada siiyaiyo
dadka Soomaaliyeed waa  duriyad isku midiyo
duul wada dhashiyo isku diiniyo
Dawga lagu hadliyo dayrku isugu xiranyihiyo
Kii ku doortiyo kii ku diidayba
Daafaha Qooqaaniyo Zeeylac dusheediyo
Dooxada u dhexeeysiyo dalkoo idiliyo
daafwalba geeska Afrikiyo Soomaalida daadsaniyo
dumariyo caruuriyo maatida is dultaaliyo
D’ayartiyo duqoowdiyo dadkoo idiliyo
haatan waa diirkaadi iyo duul kuu walaaliyo
Adaa duubka u sidiyo darajo dawladnimiyo
Waxeey doonayaan daryeel baniadamnimiyo
darajo gobanimiyo dawladnimo hagaagsaniyo
Nabadgelyo la daaimtiyo xanaano dadnimiyo
barwaaqo durdurtiyo dadka u sinaniyo
deeqda  patroolkiyo macdanta dul joogtiyo
dahabkiyo dheemanka Daaim nagu manneeystiyo
damankii hore tagay dawladihii dalka ka talinjiriyo
dadka kama haqabtirin deeqda baddiyo berigiyo
duulka teknaloojiyadiyo dalooliyo dhulkiyo dhagaxiyo
dahaabka soo saariyo deeqda macdantiyo
waxay ku doodeen in Soomaalida dalkeediyo
deganaansho  ka jirin damaanad hagaagsaniyo
riibiga geedaha ma daaqo lagamana daaqo
dowrkoodu noqoy duulkii is dilayiyo
dad an waxba qabsaniyo dayn ku nooliyo
dawarsigiyo ka bixin is dabamaryeentiyo
golaha la doortiyo dawladii uu ansixiyaba
dariiqii hore ha marina Soomaali daashadiyo
Kuwa maatida daryeeliyo diinta nuxurkeediyo
mawjadaha dagalkiyo lagaga baxsado duufaanadiyo
Donnidii nabi Nuux dadku ku mataliyo
Daaim Alee idiinka yeel doroonayaal la mahdiyo
Dadka Soomaaliyeedna kuwa isku duubaniyo
Difaacda dantoodiyo dawladnimadoodiyo
Daaim Alle idinka yeel duul walaaloobiyo

AMIIN    AMIIN     AMIIN

Dandaro

Nimba dooqiisiyo delleeyda maanso
Daliili hadba daawgu siduu yahaye
Dareenkanna  waa dandaradan taaganiyo
Dadkan la bahdilay cidina u doodeeynin
Danqashaduba waa gobanimee ma dareentay
Diiftiyo abaartiyo qaxan is dabayaalo
Dabkan shidan waayo la damin kari waayay
Dulucda gabayga hadaan dib uga faaloodo
Dabkeeda shidaniyo dandarada asalkeeda
Kuwa dila muslimka dabadeedna gaaleeya
Xaqa duudsiiya dugsada gardaradana
Duufsada d’ayartiyo duulkaan lahaayn
Aqoontiyoo diintiyo dareen wadaninimo
Dhiiga daadistiisiyo xalaashada dulmigana
Dunida kuma cusbee way soo daahiri jireene
Dadkii dayacaniyo doc wareemi jireen
Dalkaan  dawladnimo adagiyo lahaayn daganaanshoe
Waa kuwii  abiidaalibiyo dilay duul asaxaabahe
Dadkii dabacsaniyo  duufsadaan d’ayartiyo
Dilka u  tababaraaniyo dhiig la daadiyoe
Damacooda waalaniyo dantooda guracanna
Waa dano irhaabiyo mansab la diriqsadoe
Diir naxa malahiyo damaq Islaanimoe
Soomaalina dawgan doc sahlaniyo
Daadkuba ka soo gal aqoondaro baahsaniyo
Qabbiil laysku diliyo deris wada coloobiyo
Digniinti Timacade dib loogu fiirsaniyo
Deleeydii wacneeyd deeqdiisi murtidiyo
Labo bayd hadaan soo dalishado dulucda ujeedkiyo
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Soomaalidoy dayay wanaag idinka doorsoonye
Mid ka daran waa is deldelka dunidu la fajacday
Irhaabi dalanbaawsan soo daabulatay adiguye
Dalkiisina soo gubiyo duunyadiisiiba
Dayuurado  ku yimid dooniyo laashashe
Darin u fidiseeniyo  gacmo la daadihiyoe
Dugsiyo u furteen  degmooyin badane
Dantiisiyo u daryeesheen  siduu doonahaiyo
Isna ma daahine dabkiisi shidayaye
Dadka u tababar damirkiyo halaagiyo
Bamka la duugiyo meel durugsan laga hagiyo
Deg deg u abuur duul musiibahiyo
Qabuuraha dumiya dandareeya meeytadana
Dadka goowraca dhiiga daadanhayana
Durbaba ku faanoo saxaafadda ka diiwaangeliyoe
Kansar dadbaniyo diif laga dhaxal
Qalinkana ku  duug dabargooynta nolihiyo
Dadkoo la isku qarxiyo dhiigoo la daadiyo
Dabargoa shicibkiyo Dalibaan dhaxalkiisiyo
Markuu dalkiisi soo gubiyo duunyadiisiiiba
Darxumo u  abuur dadka soomaaliyeedna
Dukum daakumiyo dandaro baahsaniyo
Kuwa afka duubtiyo diir naxa lahaayniyo
Dugaagna  taba bar duul wax halaagiyo
Doorarka  gumaadkiyo duliga is qarxiyaba
Darxumo  laga dhaxal diiftiyo abaartiyo
Suaal diiraniyo dood hadaan ka furo
Dawlad wax hanatiyo dalkoo nabada
Dariiq  lagu gaadhiyo  danta guudiyo
Gartii kaa daadegtaa lagu dawoobaye
Dulmi cadiyo lamana daysan karo
Been  dadbanoo marana  ku daahneeyne
Mid ku dilahayoo  dhiigaaduna damqin
Wixi lagu dawoobiyo xaqa is diidsiiyaba
Dandarada ka shaqeeya diiftiyo balaayada
Muslinimo daah koriyo  dan ku gaariyo
Daacadna ahaayn dadka ku maquuniya
Diin islaanimiyo dhiig la daadiyana
Waa labo is diidano dariiq wada marine
Dadka Soomaaliyeed duriad isku midiyo
Duul wada dhashoo isku Diiniyo
Dowga lagu hadliyo dayrku isugu xiranyahay
Misana isu wada duday is wada dilay
Doodan la dhex dhigiyo dilkiyo colaadiyo
Shartan duduuban daahna lagu shareerino
Dabar goa  dukum daakumkiyo halaagiyo
Dulli laga dhiidhiyo dareen isku midiyo
Dar Ale lagu heshiiyo duul walaalo noqdiyo
Dagaal gobanimo dabka loo qaadiyo
Irhaabigan daamuray duulkan afka duubtiyo
Dalkiyo diintaba dib looga xureeiyo
Doc looga soo wada jeesto ayaan doonahayn
Ma qabyaalad is diidaniyo qoonda diineedba
Mise dawlada shisheeyoo ku daneesto  musibadiyo
Waa suaal d’aweeynoo diiwaanka Soomaaliyeed
Ku dul qoranoo dadkuna is weeydinayae
D’ayartan habawsan  wada dubaaqeeysan
Irhaabigu dagayoo dabarka ku xidhiyo
Duul habaaraniyo dadka wax qarxiya
Cidina daynahayne dumar iyo caruuriyo
D’ayartiyo duqoowdiyo dadkoo idilba
Dalkuba eersay  duulkan afka duubane
Soomaalaay danqoo toos  iska deji heeryadana